Madaxweynaha Puntland oo Furay Kalfadhiga 41-aad Ee Golaha Wakiilada Puntland.

June 23, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23 June 2018 waxaa uu furay Kalfadhiga 41-aad ee Golaha wakillada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa Furitaanka kalfadhiga  41-aad ee Golaha Wakiilada Dowadda Puntland kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Isimo, nabadoono waxgarad, siyaasiyiin iyo martisharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khubadiisa dastuuriga ah ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 41-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland   ayaa waxa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka Dowladda  ee u qabsoomay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi ee sanadkan 2018.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad Taariikhi ah ka jeediyay Kalfadhiga 41-aad ee Golaha wakillada Dowladda Puntland ayaa waxa uu yiri”

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal

 

“Waxaan ku faraxsanahay kasoo qaybgalka furitaanka kalfadhiga 41aad ee Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland, anigoo raacaya Dastuurka, waxaan warbixin kooban idin ka siinayaa waxqabadkii Dawladda Puntland muddadii u dhaxeysey labada kalfadhi.

 

Mudanayaal,  Dawladdu waxay qabatay shaqooyin balaaran oo u badan difaaca dalka iyo  shaqooyin taabanaysa dhinacyada Ammaanka, dhiirigelinta ganacsiga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, Siyaasadda, kor u qaadista Iskaashiga Caalamiga ah iyo isku-xirka Heerarka Federaalka, gaar ahaan dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah.

 

  1. ARRIMAHA BULSHADA

 

B – Caafimaaadka:

 

  • Mudanayaal, tirada guud ee sanadkan lagu daryeelay goobaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka  9ka gobol ee Puntland waxay gaareysaa ilaa600,000, waxa uu dhismahoodu dhamaaday 5 qeybood oo lagu siyaadiyayIsbitaalada  Magaalooyinka  Caluula, Ballidhidin, Dhahar, Jariiban iyo Eyl kuwaas oo qaliin loogu sameynayo Hooyada ay fooshu ku adkaato, iyadoo qeybo ka mid ah lagu qalabeeyey  Solar   si adeeg  joogto ah looga helo xarumahaas.

 

  • Mudanayaal, waxaa la dhagax dhigay 2 xarumood  oo cusub  kuwaas oo kala ah xarunta maamulka Caafimaadka iyo  Hooyada iyo Dhallaanka ee Magaalada Bosaaso, sidoo kale waxaa heer gabogabo ah maraya dhismaha xarunta Tababarrada shaqaalaha Wasaaradda Caafimadka  oo ka socda Xarunta dhexe ee Garowe, waxaana hadda gacanta lagu hayaa  dhismaha kaydka  wixii aan Daawo ahayn  (Non Drug Items store).

 

  • Waxay Wasaaraddu ku wareejisay Degmooyinka Caluula iyo Xaafuun  2 Laash ( motor  Scaff Ambulance),  si loo yareeyo dhibaatada lagu qabay soo qaadista Hooyada ay fooshu ku adkaato ee   ku nool meelaha fog fog

 

  • Sidoo kale Mudanayaal, waxay Dawladdu dhistay Isbitaalka guud ee Degmada Qaradho, waxayna qorsheysay dhismaha Isbitaalka guud ee Caasimada PL ee Garoowe waxaana laga dhisi-doona Isbitaal casri ah oo dalka Jarmalku inoo dhisi-doono haddii Alle idmo.

T – Arrimaha Waxbarashada:

 

  • Mudanayaal, ardayda u fariisatay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2017-2018 ee fasalada 8aad iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waxay gaaraysaa 13,979 arday, oo kala ah8,449 Wiil  iyo 5,530 Gabdhood.

 

  • Mudanayaal, waxay Dawladdu hirgelin iyo kordhin fasalo lagu sameeyay 18  dugsi  Hoose/Dhexe oo laga dhisay meelaha fog fog gaar ahaanMaraya, Kabaal, Suubaan, diilin,  wargaduud, Shakaal, Tuulo xabiibo, Margaaga, Mareer, Camaan iyo magaalooyinka Bacaadweyn iyo Xingalool oo  midkiiba loo lagu kordhiyey 3 fasal oo dugsi sare ah, sidoo kale waxaa  ladayac tiray 5 dugsi H/Dhexe kuwaas oo kala ah Xogaad, Bareeda, Xaabo, Ceel-laas iyo Geesalay.

 

  • Mudanayaal, waxaa Deeq-waxbarasho la gaarsiiyay 9ka gobol ee Puntland, iyadoo ay ka faa’idaysteen arday gaaraysa 2,650 arday, Mudanayaal iyadoo laga duulayo in aysan waxbarashadu ka burburin deegaamada Abaaruhu haleeleen  ayaa waxaa taakulo dhaqaale loo sameeyey 280 macallin oo wax ka dhigayey goobihii Abaaruhu sameeyeen, waxaa 478  Macallin loo sameeyay tababar aqooneed maadooyinka iskuulaadka ay ka dhigaan ah.
  • Dawladda Puntland waxay u bilowday waxbarasho arday dhagoole-yaal ah oo gaareysa 82 arday sannad dugsiyeedka 2017-2018 ardeydaas oo la barayo afka Soomaaliga, Luqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo luqada dhagoole-yaasha.

 

J – Arrimaha Haweenka :

 

  • Mudanayaal, waxaa  dhisme cusub iyo dayactir lagu sameeyay xarumaha wasaaradda Haweenka ee Gaalkacyo iyo Buurtinle, sidoo kale  waxaa  la aasaasay  lana daahfuray xarumo  cusub  sida Taleex, Dharkayn-genyo, Burtinle, Godob jiraan, Isku-shuban, Qandala iyo Rako.

 

  • Waxaa la sameeyey xarumaha helidda xogta  adeegyada dhibanayaasha la kulmay tacadiga ka dhanka ah jinsiga.

 

  • Waxaa la Aasaasay lana daah-furay  xarunta  badbaadinta caruurta tahriibayaasha iyo caruurta ay kala lumaan waalidkood  gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso, Boocame, Buuhoodle iyo Galkacyo,

 

  • Waxaala hirgeliyay siyaasadda badbaadinta iyo  ka hortaga askareynta caruurta da’yarta.

 

  • Mudanayaal, waxay Dawladdu dhameystirtay siyaasadaha Horumarinta Haweenka, Daryeelka Caruurta iyo fulinta Mashruuca kor u qaadista waxbarashada gabdhaha iyo ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah caruurta. (Educate girls and end poverty)

 

X – Shaqada iyo Shaaqalaha:

 

  • Mudanayaal, waxaa socda Tababarrada & Horumarinta tayada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda gaar ahaan tababarada  heerka sare ( advance level) waxaana hada ku jira  tababarkaas 220 shaqaale oo laga soo xulay dhammaan Hay’addaha DPL, Waxaana la diyaariyay  manhajka tababarka shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda Puntland, waxaa la dhamaystiray dib u casriyeynta qaab dhismeedka iyo hannaanka shaqo ee dhammaan ha’yaddaha kala duwan ee dawladda Puntland.

 

  • Sidoo kale waxaa la dhamaystiray siyaasadaha & habraacyada la xiriira shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda Puntland,

 

  • Waxaa la qabtay madasha bandhiga tayada maamul ee hay’yaddaha kala duwan ee DPL taas oo looga gol lahaa muujinta guulihii la gaaray mudadii ay Puntland jirtay, waxaana ka soo qayb galay dhammaan Maamulada dalka ka jira.

 

 

Kh – Abaaraha:

 

  • Mudanayaal guud ahaan Gobollada Puntland waxa soo maray Aafooyin dhicana  Abaaraha ah  oo mudooyinkaan dambe noqday xiriir kuwaas oo soo noqnoqda oo labadii sannadba mardhaca,  halka ay awal tobbankii sannaba mar ka dhici-jireen ama afartii sanno ay mar ahaan jireen  waxayna sababeen jiilaal waxaana loo aanaynayaa Awooda Alle ka dib, Isbeddelka cimilada guud,  Xaalufinta deegaanka. Taranka xoolaha iyo dadka oo kor u kacay, Fididda magaalooyinka iyo tuulooyinka oo aan bey’adda loo eegin iyo kala maddaynta iyo beekhaamin la’aant deegaanka  daaqsinta, iwm.

 

  • Sannadkii 2016 ilaa 2018ka waxay  abaartu saamaysay dad gaaraya qiyaastii  (1.6 milyan) oo ku nool Puntland,  hadana  2018ka waxay Dawladdu samaysay (10 Sahan) oo badankoodu ku wajahnaa u kuur gelidda xaaladdu sida ay tahay xilliga jiilaalka,

 

  • Sannadkan waxaa Puntland saameyn aan la qiyaasi karin ku yeeshay dagaalka Tukoraq oo dad badan ka soo qaxeen  iyo duufanta SAGAR oo ku dhufatay degaannada xeebaha, duufaantaas  wax yeeleysay ilaa toban kun (10,000) oo qoys iyo khasaare hantiyeed sida doonyo burburay, xoolo la waayey, guryo dumay, baraago iyo ceelal dumary iyo weliba beero iyo wadooyin go’ay,

 

  • Waxaa barnaamijka la qabsiga abaaraha iyo isbedelka cimilada laga waddaa Dangoroyo, Baran iyo Carmo iyadoo laga hirgelinayo wacyi gelin iyo biya qabadyo cusub.
  • Dawladdu waxay ku dadaashay  sameynta  qiimaynta xaaladda abaaraha, meelaha biyo la’aantu ka jirto, barakaca dadka, waxyeellada duufaanta, xaaladda ceelasha iyo matoorada, xaaladda nololeed ee dadka ,duunyada iyo  heerka daaqsinta xoolaha.
  1. SIYAASADDA

 

B – Arrimaha Gudaha:

 

  • Mudanayaal, waxay Dawladdu ku guuleystay  qalabaynta  xafiisyada 13 Degmo oo ka mid ah degmooyinka Puntland (degmooyinka Dangorayo, Waaciye, Rako raaxo, Ufayn, Baargaal, Caluula, Badhan, Dhahar, Boocame, Buhoodle, Godob-jiiraan  iyo Jariiban), waxaana la gaarsiiyey qalabka xafiisyada oo kala gedisan.

 

  • Sidoo kale waxaa 10 degmo la gaarsiiyay awooda is-maamulka qorshaha deegaankooda, waxaa la hagaajiyay isku xirka degmooyinka iyo Gobolada  Puntland, waxaana kor loo qaaday balaarinta 42 Mashruuc oo kala ah Wadooyin, iskuulo, Baro caafimaad, Suuqyo  iyo Goobo ay bulshadu iskugu yimaadaan.

 

  • Waxaa la dhisay wadooyin  7  ah oo laami ah gaar ahaan Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Qardho, waxaana 5 wado oo Jidcade ah laga hirgeliyey Caasimada Puntland ee Garoowe.

 

  • Waxaa si buuxda loosoo dhameeyay colaadii deegaanka cagaraare, iyadoo lagu soo afmeeray deegaanka Saaxdheer,arintaas oo guul weyn u ah Ummada PL

 

 

T – Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah :

 

  • Mudanayaal, waxaa isbadal wayn lagu sameeyay xarunta Dhexe ee Wasaaradda iyadoo la casriyeeyay dhamaan xafiisyada, waxaana lagu kordhiyay  xafiisyo cusub iyo Hollka Shirarka, waxay Dawladdu qabatay shirweyne looga hadlayo Abaaraha iyo ka soo kabashadooda waxaana ka soo qeyb galay dhammaan maamul goboleedyada iyo

 

  • Waxay 6dii bilood ee la soo dhaafay ka bilowday Puntland 17 mashruuc kuwaas oo ay isla fuliyeen hay’adaha Dawladda iyo Hay’addaha Caalamiga ah.

 

  • Waxaa la soo gabagabeeyay  hab raacii lagu midayn lahaa dhammaan Qiimaynta iyo Dabagalada (M&E) lugu sameeyo mashaariicda dalka ka socota, kaas oo ay heshiisyo kala saxiiixdeen dhammaan hay’addaha ay khusayso ee Dawladda iyo kuwa caalamiga ah, waxaana si joogto ah loogu sameeyay isku xir iyo dabagal  mashaariicda ka socota Puntland.

 

  • Mudanayaal, Dawladdu waxay awooda saartay Horumarinta  dalka iyo sidii  loo ansixin lahaa  mashaariicda lagu soo diyaariyay shirarka PSGs ee heer farsamo,  waxayna Dawladdu  shirar caalami ah ugu qayb-gashay wadamo kala duwan, shirarkaas oo dhamaantood taabanayay sidii shacabka Puntland  ay u heli lahayeen qaybtooda mashaariicda loogu talagalay Soomaaliya.

 

J – Dastuurka Arrimaha Federaalka:

 

Waxaa Dawladda Federalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federalka Somaaliya isla qaateen in la  dhamaystiro dastuurka dalka islamarkaana Dawladda Federalka Soomaaliya ay bixiso dhaqaalaha ku baxaya dhamaystirka Dastuurka, waxayna Madaxda Qaranku isku raaceen shirkii Baydhabo, Soomaliya in mabaadi’da soo socota ay saldhig u noqdaan Dib-u-Eegista Dastuurka:

 

  • Lahaanshaha Dastuurka: hannaanka dib-u-eegista dastuurku waa in uu noqdaa mid ay Soomaali leedahay Soomaalina hogaaminayso.

 

  • Waqtiga: Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waa in lagu soo gabagabeeyaa sida ugu dhakhsaha badan..

 

  • U wada dhamaansho: waxaa lagama maarmaan ah in hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ay kawada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyadu

 

  • Daah-furnaan iyo isla xisaabtan: hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka waa inuu noqdaa mid ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

 

Waxaa isfahan buuxa laga gaaaray hannaanka dib u eegista dastuurka Soomaaliya, waxaa la soo dhamaystiray Hay’adihii ku shaqada lahaa, sida:

 

  • Gudiga Labada Aqal ee Lasocodka arimaha Dastuurka oo lagu soo daray xubninhii Dawlad Goboleedyada, (Waxaana Puntland Gudigaas u matalaya Madaxweyne K/xigeenkii hore DPL Md. Mohamed Ali Yusuf).

 

  • Gudiga Madaxa-banaan ee dib u eegista dastuurka iyo baahintiisa Eciric waxaa isaga loo magacaabey xubnihii Dawlad Goboleedyada (Puntland Waxaa nagu matalaya Sharci yaqaanad Avv. Siciido Qacle).

 

 

  • Waxaa heshiish buuxa laga gaaray qaybsiga kheyraadka dalka sida aad ka wada aragteen war murtiyeedkii shirkii Baydhabo.

 

  • Waxaa kaloo heshiiis ku meelgaar ah laga gaaray arimaha kalluumaysiga dalka Soomaaliya, oo si KMG gaar ah loogu sii dhaqmi doono.

 

  • Waxaana Magacaabay guddi ka tirsan labada gole ee Puntland waxayna qabanayaan howlahaan,

 

  • Sixitaanka dhammaan khaladaadka farsamo ee dastuurka;
  • Qodobada Dastuurka ku meel gaarka ee u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo, sida wax ka badal, wax ku daris ama wax ka tiris;
  • Qodobada u baahan wada xaajoodka siyaasadeed waa in ay ka gaareen heshiis Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka.
  • In qodobo Dastuuri ah loo badalo heshiisyada ay gaaraan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka;

 

 

  1. AMNIGA

 

B – Xaaladda Nabadgelyada Dalka:

 

Mudanayaal, Dalkeenu wuxuu ku jiraa dagaalo waaweyn oo ay ku soo qaadeen xulufada Hargeysa, Al-shabaab iyo Daacish, isla markaa waxaa difaac joogto ah ku jira dhammaan ciidamadeena kala duwan ee u  heelan ilaalinta dhulkooda iyo dadkooda oo aan  halkaan maanta bogaadin uga dirayo goobkasta oo ay dalka ka difaacayaan.

 

haddana Dawladdu waxay wadaa Dayactir iyo Dhismeyaal lagu siyaadisay Saldhigyadda,

 

  • Sanaag:Xingalool, Yubbe, Damale-xagarre iyo Hadaaftimo, waxaana qorsheyna Saldhigyada deegaamada Carmaale, Ceel-buh iyo Shimbiraale
  • Boosaaso: Dib-u-dhiska Saldhiga Dhexe, Dayacirka Saldhiga Mijir,  Dayactirka  Saldhiga Baallade,  Dayacirka Saldhigga Biyo-Kulule
  • Hala-booqad: Saldhig Bolis Halabooqad (wuu socdaa), waxaana dhamaaday Saldhiga Degmada Buurtinle .
  • Gaalkacyo: Saldhig Boolis Ciidanka Isku-dhafka ah ee Gaalkacyo (lacagtii dhismaha waa loo helay walise ma bilaaban (Tendering Process)

 

Sidoo kale waxaa Rugo Boowliis laga hirgeliyey oo socda

 

  • Rugta Ciidan Boolis (Deg Saaxo),

Rugta Ciidan Boolis  ee ( Deg Towfiiq), waxaa dhamaaday tababaradii ciidanka Booliiska  ee (Police Communication Training) iyo qorshaha Ciidanka Booliiska ee 4ta sanno ee soo socota.

  1. DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

 

B – Maaliyadda:  

 

  • Mudanayaal, Arrimaha Dakhliga wasaaraddu waxay kor u qaadday  xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha  ee dhinaca canshuuraha kala duwan,  waxaana  dib u habeyn   lagu  sameeyey hannaanka canshuuraha Dalka, Furdooyinka iyo canshuuraha berriga, waxaana la dhameeyay  qorshe hawleedkii lagu fulin lahaa arrimahaas.

 

  • Mudanayaal iyo Murwooyinka, Miisaaniyadda 2018 Dawladdu iyadoo hirgalinaysa Miisaaniyad dhab ah waxay diyaarisay Miisaaniyad isku dheeli tiran, taas oo lagu dhisay qaabka casriga ah, miisaaniyadaas oo ku shaqaysa nidaamka casriga ah ee loo yaqaan FMIs (Financial Management Information Sytsem) taas oo ka kooban:

 

  • Waxaa si habsami ah u socda dhammaan Shaqooyinka Furdooyinka Puntland, waxaana dib u habeyn iyo Casriyeyn lagu sameeyay Furdada Dekeda Boosaaso, waxaana kormeer iyo daba-gal lagu sameeyay Dakhliga ka soo xarooda Furdooyinka Dawladda Puntland

 

  • Si loo dar-dargeliyo Dakhliga Furdooyinka, waxaa la keenay khuburo Somaliyeed iyo kuwa Caalami ah, waxaana lagu tababarayay shaqaalaha Barnaamijyada FMIS-ka, Sharciyada Cashuuraha, Xisabaadka iyo Furdooyinka.

 

 

T – Ganacsiga:

 

  • Mudanayaal, waxaala dar dar geliyay shaqada waaxda tayo dhowrka badeecadaha Puntland iyadoo ilaalinaysa bed-qabka dadka, duunyada iyo deeganka,

 

  • Waxay Dawladdu tira koob ku sameeysay dhammaan warshadaha Puntland ka jira si loo hubiyo wax soo saarka iyo tayada warshadaha gudaha iyo kuwa dibadda, waxayna labada gole meel mariyeen Law No 9 xeerkaan oo waafaqsan heerka ilaalinta badeecada ee Bariga Africa, isla markaana waxaa u kuurgelid lagu sameeyay is bed-bedelka maciishada ganacsiga Puntland ee dhamaan magaalooyinka waawayn.

 

  • Waxay Dawladdu hirgalistay dhammaan ganacsi kasta iyo shirkad kasta in ay qaadato aqoonsi ganacsi (business ID card)  waxaana la dhammaystiray dib u habaynta habka bixinta shattiyada ayadoo la hirgeliyey (data-base) ugaar ah in shahaadada lagu bixiyo, waxayna  Wasaaraddu dhaqan galisay sharciga ganacsiga ee loo yaqaano xeerka (law no: 14) kaas oo isbedel lagu sameeyey qaabkii hore  u ahaa lana waafajiyey qaybaha gancsiga ee Puntland ka jira.

 

J – Arrimaha Kalluumeysiga Puntland:

 

  • Mudanayaal, waxay Dawladdu sameysay qorshaha maareynta iyo tashiilka khayraadka badda, waxaana la dardar geliyay korna loo qaaday ilaalinta khayraadka badda iyo ka hortaga kalluumeysiga sharci darada ah, iyadoo markii ugu horeysay wasaaradu yeelatay ciidan Booliis ah si wasaaradu u soo qabato doonyo badan oo ku kullumeysanaya sharci daro, sidoo kale waxaa la kordhay dakhliga wasaarada.

 

  • Waxay Dawladdu bilowday Cilmi baaris ku saabsan Aargoosatada si loo helo macluumaad lagu maareyn karo isla markaana lagu badbaadin karo khayraadkaas oo sii dabar go’aya, waxayna wasaaraddu hirgelisay suuqyo casri ah iyo suuqgaynta khayraadka badda, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacayo iyo Qardho. Waxayna sidoo kale dib u casriyeen ku samaysay suuqa kallunka ee Garoowe iyo qaboojiyaha Garacad.

 

  • Mudanayaal, waxay Dawladdu suuqyo uga raadisay ganacsatada Kalluumaysiga reer Puntland dalalka Oman, Ethiopia iyo Kenya iyo suuqyo kale,  waxaa la hirgeliyay  Qalabka Isgaarsiineyd  lagula soconayo dhaqdhaqaaqa Doonyaha Kalluumeysiga si looga badbaadiyo haday soo wajahdo Khatar (Automatic Identification system)

 

J – Xannaanada Xoolaha:

  • Mudanayaal, Dawladdu  waxay ka tallaashay cudurka sambabka 3 Milyan oo neef dhammaan Gobollada Puntland,  waxayna 5 milyan ka daweysay cuduro kala duwan, waxaana laga hirgaliyay Farmashiyeyaal daawada xoolaha ah gobolada Cayn, Sool, Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar, Gadafuu iyo Mudug.

 

  • Mudnayaal, waxay Dawladdu dardargelisay dib u furitaanka dhoofka xoolaha iyadoo ka qayb gashay shirar muhiim ah oo heer gobol iyo heer caalami ah, kuwaas oo looga arrinsanayay sidii dib loogu furi lahaa dhoofka xoolaha gaar ahaan dalka Sucuudiga.

 

  • Waxaa ka dhoofay Puntland 6dii bilood ee u danbeysay 524,664  neef oo  ka dhoofay dekeda Bossaso Xoolahas oo loo dhoofiyay wadamada kala ah Oman,Yemen, Masar iyo Bahrain, waxaa la dayactiray lana qalabeeyay si rasmi ahna wasaaraddu ula soo wareegtay kawaanka wayn ee magaalada Bossaso, sidoo kale waxay Dawladdu  dejisay qorshaha horumarinta caafimaadka xoolaha (2017-2019) iyo qorshaha guud ee dalka  (2018-21).

 

X – Beeraha:

  • Wasaaradda Beeraha iyo Waraabku waxay dhamaystirtay Sharciga ku dhaqanka Dhul-beereedka iyo Shahaadada lahaansha ku dhaqanka Dhulka, taas oo laga ansixiyey laba gole ee Dawladda Puntland
  • Waxaa Puntland soo gaaray wafti ka socday Wasaaradaha Beeraha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Masar iyagoo kormeer shaqo oo wadajir ah la qabtay wasaaradda Beeraha Puntland kaas oo u jeedkiisu ahaa in loo kuur galo wax soo saarka wadanka ee dhanka beeraha, hawshaas oo daba socotay heshiis ay wada geleen Wasaaradda Beeraha Heer Federal iyo Dawladda Masar kaas oo ku saabsanaa Horumarinta Wax soo saarka Beeraha iyo Dhanka Waraabka Beeraha.
  • Iyadoo lala kaashanayo Hay’ada caalamiga waxaa magaalada boosaaso laga hirgeliyay mashruuc tijaabo ah oo loo yaqaano Porous alpha oo ah mid loogu talagalay wadamada ay ku yar yihiin biyaha, mashruucan waa mashruuc dhaqaaleynaya biyaha loo isticmaalo waraabka beeraha. Waxa uuna kor u qaadayaa wax soo saarka beeraha waana hab casri ah kaas oo fulintiisana lagu guualystay.

 

  • Waxaa sahan lagu tagay deegaanada Garowe, Dangorayo, Boocame, Tukaraq, God aalo, Laaso curdin, Qardho, Carmo, Boosaaso, Isku shuban, Baran, Ceel buh, Laas qoray, Durduri, Dhahar, sahmintaas oo ku saabsanayd baadigoobka dulinka aafada ah ee dhameeya ama wax yeeleeya wax ala iyo wixii Beer ah ama daaq ah o dhulka ku yaal iyadoo caalamka looga aqoonsanyahay in Puntland uu ku dhalo xeebta dheer ee u dhaxaysa Boosaaso iyo Laas qoray.
  1. HORUMARINTA KAABAYAASHA

 

B – Hawlaha Guud iyo Ceelasha Biyaha:

 

  • Mudanayaal, waxaa dhammaaday qorshaha fidinta,  ilaalinta iyo qurxinta baaxada magaalooyinka Puntland iyo dhameystirka Barnaamijka JPLG ee 2020, waxayna Dawladdu yeelatay 35 gadiidka dhismaha wadooyinka casriga ah kuwaas oo isla markiiba ka  hawlgaley wadada Ceeldaahir – Ceerigaabo   oo la gaarsiiyay wadadii Jayga  ahayd maagalaga Badhan, iyadoo hadda la keenay qalabkii daamurka ee lagu  bilaabi lahaa  wejigii  labbaad ee wadada.
  • Sidoo kale waxaa weli socda wadadii Garoowe – Gaalkacyo, balaarinta wadada weyn ee Boosaaso iyadoo hada gacanta ku haysaa furida iyo Qurxinta Magaalada Boosaaso.

 

 

T – Biyaha:

 

  • Mudanayaal, mudadii u dhaxaysa Oct 2017 – June 2018 waxaa la qoday ceelal gaaraya 12 ceel oo laga qoday deegaamada  Sheerbi, Bareeda, Xudun, Dhahar, Rako, Balley, Dhuumoodle, Qardho, Baqbaq, Garoonka General M Abshir  iyo Xerada Qaxootiga ee Jilable. Sidoo kale waxaa la dayactiray 25 ceel, waxaana u qorsheysan  Dawladda in hada la qodo 16 ceel, iyadoo biyo galintu ku socoto 7 magaalo, iyadoo biyo laga waayay Ceelkii Balli-dhidin, iyadoo hadda la qorsheystay in la adeegsado farsamada GIS-ka ( Well Mapping System ) si looga badbaado in lagu hun-goobo ceelal danbe oo la qoday.

 

J – Duulista Hawada:

  1. Garoonka Garoowe

 

  • Mudanayaal, waxaa 8diiJanuary, 2018 la furay Garoonka Garoowe, waxaanna loo bixiyey Maxamed Abshir Internainal Airport, iyadoo ay kasoo qayb galeen wufuud heer caalami ah iyo heer federal oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya, iyadoo la dhisay terminal cusub, qaybta VIP-da garoonka, qalabeynta labada terminal, VIP-da, xafiisyada iyo taawarka (hagida diyaaraddaha), qalabkii handling-ka, booyadii shidaalka iyo Dabdamiskii oo casri ah.

 

  • Waxaa la rakibay qalabka baarista dadka iyo alaabta (X-ray Mechine, walk through iyo CCTV camera), Waxaa la dhameystiray calaamadeyntii (Markings) Runway-ga, taxway-ga iyo appron-ka, sidoo kale, waxaa laami laga dhigay dhulkii u dhexeeyey Airport-ka iyo terminal-ka, Waxaa la dhisay waddo laami ah oo isku xirta baarkinka diyaaraddaha iyo xarumaha shirkadaha shidaalka iyo handling-ka.

 

  • Waxaa la dhisay qolkii matoorka korontada, qolka ilaaladda garoonka, masaajid, maqaaxida garoonka iyo ganjeelka garoonka laga galo, Waxaa la dhisay barking-ka baabuurta oo laami ah waxaana dhirayn lagu sameeyey barking-ka baabuurta, dhinacyada terminal-ka iyo VIP-da, Waxaa la dhisay waddo laami ah ee isku xirta wadada dheer ee laamiga ah iyo terminalka, Waxaa la qoday ceel biyood oo garoonku leeyahay, waxaana ka dhiman haantii iyo laynkii biyo gelinta.
  1. Garoonka Diyaaradaha Boosaaso:-

 

  • Waxaa Garoonka Boosaaso kusoo xirmay Duulimaadyo caalami ah oo isku xiraya Dubia iyo Boosaaso afar jeer asbuuciiba, waxaana dib-u-habayn lagu sameeyay maamulka & maaraynta garoonka Boosaaso oo hada si fiican u shaqaynaya, dayactirka wadada Garoonka iyo magaalada isku xirta iyadoo lagu sameeyay si isku tashi ah.

 

iii. Garoonka Diyaaradaha Galkacyo:-

 

  • Waxaa dayactir Lagu wadaa Runway-ga diyaaradaha ee Garoonka Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkaco, Waxaana la hormariyay agabka koronto dhalinta garoonka diyaaradaha Abdilaahi Yusuf iyadoo loo keenay matoor ku filan baahida garoonka diyaaradahaawaxaana la bixiyay qandaraaska dhismaha  Garoonka Cusub ee Gaalkacyo  waxaana hada la bilaabay  wareejintii siliga garoonka.
  1. Garoonka Diyaaradaha Badhan:-

 

  • Waxey Dowladdu furtay Garoonka Diyaaraddaha Badhan ee Gobolka Sanaag, iyadoo la dardar gelinayo irmaaninta ilo dakhli oo hor leh, iyadoo la hawlgeliyey shaqaalihii ka shaqeyayey iyo ciidankii amniga.

X – Dekedda Garacad:

 

  • Waxaa dhammaaday sahamintii iyo calaamadayntii goobtii ku haboonayd ee laga dhisi lahaa Dekedda Garacad, iyadoo ganacsatada, waxgaradka, isimada iyo odayaasha deegaanku balan qaadeen inay qeybtooda ka qaataan hirgelinta iyo ka dhabaynta hanka iyo himilada in Ganacsatada reer Puntland iskood u dhistaan dekadda.

 

Kh –Kala bayr iyo Caluula:

 

Waxaa la dhagax dhigay wadada isku xirta Kala bayr iyo Caluula iyadoo dawladdu magacawday guddigii hawshaas ka shaqeynlahaa

 

D – Boosaaso ilaa Qandala:

 

Waxay dadka deegaanka iyo Dawladduisla qaateen bilaabiddadhisidda lahaa wadada isku xirta Boosaaso iyo Qandala iyadoo ay arintaas laga sugayo  farsama yaqaanadii iyo sahamiyeyaashii Heyadda Jidadka Puntland

 

R –Wadada Lafa – goray

 

Waxaa la calaamadiyey sidii loo balaarin lahaa isla markaana loo dayactiri lahaa  5 kmt  oo wadada lafa Goray ka mid ah  ay dhaawacyo badan ka soo gaareen daadka iyo  gaadiidka mara, Waxaana la calaamadiyey wado jey ah oo isku xirta Wadada Sugure  iyo Gaalgala oo dhan 7 Km.

 

Mudanayaal, Waxaan la Dayactiray lana dhisay  jidka Qardho – Bosaso,  Garowe – Qardho, Togagyada iyo biyo mareenada jidka Bosaso – Qardho, waxaana socda Dhismaha Mashruuca Jidka Garowe iyo Galkaio.

Sh – Deegaanka iyo isbedelka cimilada:

 

  • Waxaa laga bedelay magacii Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta, Dalxiiska oo golaha xukuumaddu ucodeeyeen iyadoo loo bedelay Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada.

 

  • Waxaa biyo xireeno iyo waro waawayn laga hirgaliyay deegaanada Xamxamaa, Salaxley, Yoombays, Hodaal, Gooladda Buurtinle, Laasa-dawoco, Dharoor, meeladeen, xiriiro, Midigale, balibusle, raydable, Roox, Gogol ma doone, Bayra, Sheerbi, Falayryaale, Dhilaalo, kuwaas oo biyo badan qabtay isla markaana ay ka faa’iidaysteen dadka, duunyada iyo duurjoogtuba, waxayna sababeen in laga faa’iidaysto Boqolaal kun oo fuusto oo biyo ah .

 

  • Waxaana hawshaas barbar socday oo laga wadaa mashaariic lagu hakinayo Boholaha isla markaasna lagu joojinayo fiditaanka Boholaha iyo qulqulka daadka deegaanada Dangorayo, Buuro-wadal iyo Jidad kuwaas oo sidoo kalena dadka deegaanadaas ay ka faa’iidaysanayaan howsha xirista boholaha.

 

Waxaa la hirgeliyey dhiraynta iyo cagaarinta magaalooyinka waxaana kor loo qaaday isla markaasna la balaariyay xarumaha dhir kobcinta waxaana degmooyinka Garoowe, Qardho, Baran, Boosaaso, Gaalkacyo, Boocame, Buuhoodle, Jariiban iyo Bandarbeyla laga sameeyay xarumaha dhir-kobcinta iyadoo ay xarumahaasi bixiyaan dhir lagu cagaarinayo wadooyinka, guryaha, xarumaha dawladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

 

  • Iyadoo laga duulayo qorshaha la tacaalidda abaaraha iyo isbedelka cimilada Aduunka oo saamayn wayn ku yeelatay dadka, Duunyada iyo Deegaankaba waxaa deegaanada xeebaha ah ee Qaw, Ceelaayo iyo Durduri laga bilaabay mashaariic lagu balaarinayo dhiraynta xeebaha islamarkaasna lagu beerayo dhir ka qayb qaadata dib u noolaynta tayada iyo quruxda xeebaha.

 

  • Waxaa la fuliyay mashaariic shaqa lacag ku bedelashada oo laga shaqaynayo dayactirka xurfooyinka, biya weecinta,carada guurta iyo dhiraynta kuwaasoo laga fuliyay degmooyinka Galdogob, Gaalkacyo, Jiriiban, Buurtinle, Garowe, eyl, Taleex, Qardho, Qandala, Iskushuban iyo Laasqoray

 

  • Waxaa la dhamaystirtay sahminta iyo diyaarinta barnaamijyo ku saabsan ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo dib usoo noolaynta dhulka xaalufay kuwaas oo isugu jira Boholo xiris, biyo hakin, biyo qabatino, dayactir baraago, dhirbeeris iyo wacyigelinta dadka

 

  1. MAAMUL WANAAGA

 

Arrimaha Caddaaladda :

Mudanayaal,  waxay Dawladdu  diyaarisay dhul dhan 200×200 Mt oo laga dhisayo xarunta dhaqan-celinta da’yarta oo caalami ah una dhiganta kuwa wadamada horay maray, waxaana laga hirgeliyay xarumaha garsoor-dhaqameed  6 gobol oo kala ah Barri, Nugal, Heylan, Sanaag, Cayn  iyo Mudug, waxaana la dayactiray  Maxakamada Gobalka bari  iyadoo lala kaashaday  Isutaga Midoowga Yurub.

Sidoo kale Mudanayaal, wadarta guud ee Maxaabiista ku jirta xabsiyada Puntland waxay gaaraysaa  1,200 waxaana loo qabtay qareemo  215 dhibanayaal aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagta qareenada, isla markaana waxaa kor loo qaaday aqoonta maxabiista xukuman waxaana la baraa arrimaha Diinta Islaamka, farsamada gacanta sida alxamka, baata-laamiyeeriga iyo sameynta agabka guryaha iyo gaadiidka

 

Mudanayaal, waxaa loo dhisay 10 guri qoysas agoon danyar ah iyadoo lala kaashanaya Hay’adaha ka shaqeeya samafalka, waxaa loo diray  arday tartanka Qur’aanka Kariimka oo ka qabsoomay Muqdisho, iyagoo ka galay kaalimo fiican ee xifdinta Qur’aanka 30, jus iyo kaalinta 1-aad  ee 10 jus, sidoo kale waxaa la ciidsiiyay  agoon gaaraysa 2,639 oo ka mid ah agoomaha dalka  waxaana iska kaashaday Dawladda iyo Hay’adaha samafalka, sidoo kale waxaa ku jira Kuliyada sharciyada kaadiriin  ka mid noqondoona  laamaha caddaaladda sida maxkamadaha, xeer-ilaalinta, booliska iyo qareeno madax-banaan.

 

Hanti-dhawrka:

 

Sidoo kale Mudanayaal waxay Dawladdu baaris ku samaysay Wasaaraddaha, Hay’addaha Madaxa bannaan, Dawladaha Hoose iyo Mashruuca JPLG, waxaana la hubiyay   Dakhliga iyo Kharashka soo gala DPL in uu u baxay qorshihii loogu tala galay, marka laga reebo xaaladaha dagaal ee uu dalkeenu ku jiro.

 

Warfaafinta iyo Isgaarsiinta:

 

Mudanayaal, Dawladdu  waxay dhammaystirtay  barnaamij isgaarsiineed sahlaya shirarka iyo xog kala qaadashada hay’addaha Dawladda (communication rooms),  wuxuuna  fududaynayaa in hay’addaha Dawladdu ay yeeshaan shirar  dhex-dooda ah ama ay xiriir la sameeyaan ciddii kale ee bannaanka ay uga baahdaan“teleconference” , waxaana la hirgeliyay  barnaamij loogu magacdaray Bandhigga Tignooloojiyadda Soomaaliyeed (Somali technology fair) oo dhiiro geliya hal abuurka tegnooloojiyada dhalinyarada Puntland, waxaa dhamaaday dhismaha Golaha sare ee Warbaahinta Puntland.

 

Madaxtooyada:

Mudanayaal, waxaa dib u habeyn balaaran lagu sameynay Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garowe, gaar ahaan laamiyeynta wadooyinka Madaxtooyada, qalabeynta iyo casriyeynta xafiisyada, waxaana meel gabogabo ah maraya Hool-ka Shir weynaha Puntland oo qaadaya 1,200 oo qof iyo sidoo kale Hool cusub oo ay yeelan doonaan Golaha xukuumadda  Dawladda Puntland, sidoo kale waxaa  la dhameeyay Laamiga Wasaaradaha iyo Tv-ga oo laga dhigay laami casri ah, waxaana soo dhammaaday Xaruntii Madaxtooyada Gaalkacyo  iyo dhismeyaal  casri ah dhawaana xariga laga jari doono.

Gabagabo:

 

Mudanayaal, Maanta waxaan ku jirnaa dagaal mana aha  dagaalkaan  la ina kusoo qaaday mid la mid ah kuwii aan horey ku geli-jirnay, waa mid saameyn ku leh diinteena, dalkeena, jiritaankeena iyo Dawladnimadeena, waa dagaal dhaafay Anshaxa suuban, Soomaalinimada iyo jaarnimadii Soomaalida lagu yiqiin, waa dagaal salka ku haya been,Argagixiso iyo Isir-nacayb.

 

Mudanayaal, Gobolka Sool maaha meel kawada dhaxaysa SL iyo PL, Gobolka Sool maaha gobol aan la garanayn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganayso, Gobolka Sool  maaha weel lagu dawarsado oo Hargeyso Mushaar looga raadsado, Gobolka Sool maaha meel uu ilaahay u qoray in shacabkeedu  ilmadu gobo’leyso oo aduunku daawado, Gobolka Sool  maaha Shandadd inta diyaarad lala raaco Ictiraaf lagu raadsado oo lagu baryo-tago, Gobolka Sool Dhul iyo Dad-ba waa reer Puntland  waxaana laga xoreynaa cadowgu dul-hoganaya, waxaana u sheegayaa Shacabka  Gobolka Sool kuma noolaan doontaan colaad,ciilqab iyo  xabsiga Maamulka Hargeysa haddii Alle idmo.

Sidoo kale waxaan u sheegayaa shacabweynaha Puntland, Tan iyo markii Laascaanood la qabsaday reer Sool waxay ku jireen dulinimo, caga-jugleyn, isku dir iyo dil joogto ah, maantana  waxaa loogu daray  cuburin, xabsi joogto ah iyo  in la yiraahdo dalka malihidin ee iska guura, sidaa darteed waxaa la idin ka doonayaa inaad garab istaagtaan qorshaha soo celin Gobolka  Sool  ee ay Dawladdu wado.

Shacabka Puntland waxay Dawladdu u sheegaysaa inaad u hiilisaan walaalihiin reer Sool, lana garab istaagtaan Naf iyo Maal-ba, sidoo kale  waa inaad ogaataan Abaalka aad maanta dhigataan inuu noqon-doono kayd idiin yaal kumanaan sanno oo socda.

 

 

 

Muuse Biixi waxaan leeyahay, “ Xaashaa lilaahiye beenta waa, laga xishoodaa“ wada-hadal ayaan Federaal la galayaa intaan Puntland soo weeraro, xuduud ayaan soo xirayaa, Ictiraaf –baan doonayaa   horaa loo yiri  “ Afkaa jeexan baa loo hadlaa iyo saa iriye, Kala aragnay tuugaa ordaayiyo eeda kii falaye”.

Muuse Biixi wuxuu ku doodayaa Ingiriis ayaa  Gobolka Sool nasiiyay, waxaan  u sheegaynaa  Ingiriis dhulkaan malaha, wuxuu ahaa gumeyste maalmo joogay oo aan iska xoreynay, kumanaan Daraawiish ah iyo Soomaali kale ayaa dhiigooda u huray Naftoodana u hibeeyey si ay iskaga xoreeyaan heeryadaas gumeysiga.

Haddaba, Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis uu dhul kusiinayo Laascaanood maaha London, Xuduna maaha Birmingham, Taleex-na maaha  Cardiff

Shacabka Soomaaliland Dawladda Puntland waxay u caddeynaysaa inay ula diyaar nahay walaaltinimo, daris wanaag iyo wada-noolaasho buuxda, waxaana na-farax gelinaya sharaftiina iyo karaamadiina,

Shacabka Soomaaliland waxaan  usheegaynaa Muuse Biixi Puntland dhibaato kuma hayo, laakiin dibindaabyada uu  Soomaaliland ku hayo ha laka badbaadiyo horaa loo  yiri   “ Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay”, ee  dhibaatada uu idinku hayo iska badbaadiya.

Ugu Danbeyntii: Dawladda Puntland waxay aqoonsan tahay xuduudii ay Dawladdii  Soomaaliya u kala  sameysay Gobolada Togdheer iyo Sool, haddii  ay wax ka qaldan yihiin waxaan kala hadlaynaa cidkasta  oo samadoon ah, laakiin Gobolka Sool iyo Gobolka Nugaal dhexdooda cidii wadahadal ka doonaysa dee waxaan ku leenahay “ Af aadan lahayn aamus lama yiraahdo” beentaas yaan waqti la iskaga qaadin Laascaanood iyo Garoowe xuduud Makala yeelan-doonaan taa hala ogaado.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 41-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online