Madaxweynaha Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka (Masawiro)

June 4, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor-dhow ka furay Magaalada Baydhabo Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/l/aahi Farmaajo ayaa waxaa qayb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Md Xasan Cali Khayre , Taliyaasha Ciidamada, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ,dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyadda Dalka iyo Guddoomiyha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa looga hadlayaa Amniga guud ee Dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad Dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka Ciidamada.

Shirkii u dambeeyay Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Febraayo ee sanadkan ayaa waxaa lagu go’aamiyay in shirka xiga lagu qabto magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

—Dhamaaad—

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online