Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Culumada Soomaaliyeed (Masawiro)

June 13, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna. Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.”

Dhanka kale, Culumada oo la wadaagay Madaxweynaha aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Culumada ayaa sheegay in ay kalsooni ku qabaan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso dib-u-habeynta garsoorka, ilaalinta madax-bannaanida dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo-celinta boqolaalka dhallinyarada ah ee ku dhibaateysan xabsiyada shisheeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey culamadii ka soo qayb gashay kulankan sida ay u ajiibeen marti qaadkan, isagoona tilmaamay sooyaalka ay culumada Soomaaliyeed ku leeyihiin gobonnimo doonkii dalka iyo dadaallada ay haatan ku bixiyaan wacyigelinta, faafinta cilmiga, xoojinta amniga iyo toosinta dhaqanka bulshada.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online