Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Lagu soo dhaweeyay magaaladda Baydhabo.[Masawiro]

June 3, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo galinka dambe ee maanta la qorsheynayo in lagu qabto shirka goloha amniga qaranka oo saddexdii biloodba mar la qabto. Waxaana looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

Ra’iislu Wasaaraha Soomaaliya iyo waftigiisa waxaa goroonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxwaynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan, Guddoonka Baarlamaanka ee maamulka, Wasiiro, Xildhibaano iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Sidoo kale shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka. Waxaana qayb ka ah dhammaan madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo guddoomiyha gobolka Benaadir.

 

—— DHAMAAD———

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online