Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo La Kulmay Madaxweyne Paul Kagame (Masawiro)

June 25, 2018 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gebagebeeyay booqasho hal maalin qaadatay oo dalka Rwanda uu ku joogay, ayaa magaalada Kigali ee caasimadda dalkaas kulan kula qaatay Madaxweynaha Rwanda ahna gudoomiyaha Midawga Afrika, Paul Kagame.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Rwanda ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo shalay galab gaaray Kigali ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo isla maanta dib ugu soo laabtay dalka.

—DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online