Shirkii golaha wasiirada Puntland oo lagu mideeyay hay’adaha PIA iyo PSS

June 28, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir-Guddoominayey Madaxwey naha Dowladda Puntland DR: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay arimaha kala ah Amniga dalka, mideyna hay’addaha PIA & PSS, xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda Iyo warbixino kale.

Xaaladda Amniga Dalka:

Golaha Xukuumada Dowladda Puntland oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga ayaa amaanay ciidamada qalabka sida, oo goor walba u taagan sugida, dabagalka iyo fashilinta isku dayga qaswadayaashu maleegayaan, waxayna golaha oo si xeel dheer uga faalooday Amniga dalka ay sheegeen in la-iska kaashado garabna lasiiyo ciidamada geesiyada ah oo u taagan xoreynta dalka iyo xaslinta nabad galiyada guud.

Mideynta Hay’addaha PIA&PSS: 

Golaha xukuumada Dowladda Puntland oo tixraacaya dastuurka dalka iyo baahida loo qabo hay’add Amni oo si buuxda u shaqeysa ayaa dood dheer ka yeeshay magaca iyo mideynta hay’addaha Amaanka dalka, waxayna golahu cod buuxa ku meel mariyeen mideynta hay’addaha PIA & PSS,isla markaan loo bixiyey Magac cusub oo ah hay’adda nabad-sugida iyo Amniga Puntland (Puntland intelligence and security agency (PISA).

Xeerka Tayo-dhowrka Kheyraadka Badda.

Golaha xukuumada Dowladda Puntland ayaa warbixin kooban ka dhageystay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo u qeybisay golaha xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda, xeerkaan oo qeexaya baarista, tayada, hubinta iyo cadeynta guud ahaan kaluunka ayaa lagu meel marin doonaa kulanka xiga ee golaha xukuumadda.

Warbixino:

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga dabagalka iyo ilaalinta Gaadiidka Dowladda oo meel fiican marinaya tixraaca iyo waafajinta sharciga ee gaadiidka Dowladda (GD).

Hoos ka eeg warsaxafeedka ka soo baxay shirka golaha wasiiradda ee dowladda Puntland.

 

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online