Tababarka Waxbarsahda Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo Garoowe ku soo xirmay

June 27, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ku soo gaba gaboobay Tababar ka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo socday muddo afar maalin ah.

Tababarka oo ay ka soo qeybgaleen xubno katirsan Hay’adaha Dowlad Goboleedka Puntlad iyo Bulshada Rayidka Puntland ayaa looga gonlahaa in wacyiga dadweynaha ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka kor loo qaado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland Yuusuf Ibraahim Saalax oo xiritaankii tababarka ka hadlay ayaa ballanqaaday in tababarka ay gaarsiin doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan deegaanada Puntland.

Ugu dambayn, Xamse Cabdi Barre oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee DFS oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurka ee DFS ay ka go’antahay in dhamaan dadka Soomaaliyeed loo sahlo sidii ay uga qeybgeli lahaayeen Ololaha dib-u-eegista Dastuurka, tababarkana uu yahay mid bulshada u sahlaya ka qeybqaadashada dib-u-eegista Dastuurka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online