Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo

June 3, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaas oo maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmayo Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraadka dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Shirkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho bishii Febraayo waxaa lagu go’aamiyay in shirka xiga lagu qabto magaalada Baydhabo. Dowladda waxay ku hanweyntahay in shirkani ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan oo sii dardargelinaya arrimaha amniga, federaalaynta dalka, khayraad wadaaga iyo in dalka lagu soo dabbaalo siyaasad deggan oo ku dhisan wadatashi.”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed iyo shacabka magaalada Baydhabo.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online