Xaflad Xilwareejinta Gudomiyaha 6aad ee Xafiiska Dacwada Gobolka Sool (Masawiro)

June 2, 2018 - Written by Editor

Laascaanood:-Xaflad si Heer sare ah loosoo Agaasimay ay Kana soo qayb galeen Badi Labeenta Bulshada Gobolka Sool ayaa Galabnimadii Shalay Ka qabsoontay Hoollka Maktabada Machadka Alfurqaan ee magaalada Lascanod
Xafladdan ayaa ujeeddadeedu ahayd Sidii xilka ulakala wareegi lahaayeen Gudoomiyihii hore ee dacwada Sool Shekh Siciid Muse iyo Gudomiyaha Cusub Sh Maxamed Adam weli .

Ugu horrayn waxaa kulanka Furay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shuurada Dacwada isagona Sharraxaad dheer ka bixiyay Marxaladihii Lasoo maray Intaa kadib waxaa Microphoneka lawaregay Gudoomiyihii Hore ee Xafiiska Shekh Siciid isagoo Khudbad dheer Kaga warramay Muddadii uu xilka hayay Waxqabadkiisii iyo Fursadaha usuuro galay isagoo sidoo kale kawarramay Caqabadihii ka horyimid , Dardaaranno iyo Mahad celin ayaa iyana kamid ahaa Qodobbada Khudbaddii Qiimaha Badnayd ee Gudoomiyihii Hore .

Waxana intaa kadib Qabsoontay Xilwareejintii O si heer sare ah u dhacday Intaa Kadib waxaa Hadalka qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Dacwada Sheekh Maxamed shekh Adam oo U Mahadceliyay walaalihii ka Horeyay iyo Dhaman Culumadii xafiiska Heerkan soo Gaadhsiiyay , Wuxùu sidoo kale Guddoomiyuhu Soo jeediyay Maamulkiisa Cusub ee fulinta Dacwada.

Ugudanbayntii wuxu Gudoomiyuhu Codsaday in loo Duceeyo Xilkana Lagu Garab istaago . Guntii iyo Gunaanadkii waxaa Soo Xidhay Xafladda Shekh Cabdinaasir Xaji Axmed oo Duco iyo Dardaaranba kusoo Gabagabeeyey.

WabillaahiTawfiiq
 Mohed Abdilaahi Faarax

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online