Xafladda Xidhitaanka Tartanka Quraanka Kariimka Ee magaalada Laascaanood (Masawiro)

June 9, 2018 - Written by Editor

Laascaanood:-Munaasibad lagu abaal marinayay ardaydii kaalmaha hore ka gashay tatrankaasi ayaa lagu qabtay Masaajidka Weyn ee Jamaca waxaana kasoo qayb galay Madax dhaqameed, Odayaal, Maamulka Degmada, Waalidiin, Macallimiin, iyo Madaxda Shirkadaha Gobolka.

Ugu Horrayn waxaa Tartanka Furfuray kana warbixiyay Gudoomiyaha Jamciyadda Sh Cusmaan Xaashi wuxuuna ka warbixiyay inuu Tartankani soo Maray 2 Wareeeg iyadoo kudhawaad 200 arday ay ka qayb qaadatay wareegii hore, Halka wareegga Danbena 100 arday ay ka qayb qaateen iyadoo Ay Guuleysteen 32 arday oo kaalmaha 1 2 3 ku guulaystay.

Intaa Kadib waxaa Kalmado Dhiirrigalin iyo Dardaaranba isugu jira soo Jeediyay Gudomiyaha Dacwada Sh Maxamed Adamweli Isagoona Maamulka Kula Dardaarmay Inay Quraanka Sharfaan oo Jamciyadda Garab istaagaan.

Ugu danbayntii Waxaa Xafladda Soo Xidhay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Duco Iyo Dardaaranba siyay ardayda jawaaistana Gudoonsiiyay.

Mohe’d Abdilahi Farah
Laascaanood
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online