Afhayeenka Wasaaradda Amniga DFS oo eedeeyay Madaxda Dowladda Somaliya (Daawo)

July 8, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Afhayeenka Wasaarada amniga JFS C/Casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan) ayaa si kulul u eedeeyey madaxada DFS iyo kooxda Al-Shabaab oo shalay qaraxyo ku gumaaday dad shacab ah ka dib weeraro  qaraxyo ah oo ay fuliyeen .

Cabdcasiis Xildhibaan Afhayeenka Wasaarada amniga ayaa sheegay in ay jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada DFS oo aan ka shaqeyn danaha Umada Soomaaliyeed .

Afhayeenka Wasaarada amniga C/Casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan) ayaa yiri ” Tii Shalay Dhacday oo kale suura gal ma aha in Dowladda aan ka tirsanahay Shacbiga usheegto waa la isla xisaabtamaayaa, meesha Green Zoneka sey suurta gal ku Nooqtay in Gaariga isqarxiyay uu Meesha ku soo gaaray, Anniga oo kale meesha lacag uma soo doonan, 11 Bilood ayaan ahay Afhayeenka Wasaarada amniga walina wax Mushaaraad ah ma qaadan” ayuu Yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa sheegay in aysan dhici karin in dowladda Soomaaliya ay dadka Shacabka ah u sheegto warar aan macquul aheyn oo ku saabsan qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho waana eedeyntii ugu cusleyd oo masuul ka tirsan DFS uu u jeediyo Saraakiisha amaanka ee DFS.

Afhayeenka Wasaarada amniga ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyey Shacabka wuxuuna ku eedeeyay iney mar walba doortaan Madax Tuugo ah oo Boorsooyin wadata oo Shacabka xoolohooda qaata, Isagoo sheegay inaan wali la heyn Masuul isku casilay in uu gudan waayey xilkiisa.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online