Dalada ardayda Soomaaliyeed ee Sudan oo xaflad lagu soo afmeerayay kitaabka Minhaaju Al-Daalibiin .[Masawiro]

July 31, 2018 - Written by Editor

Kharduum: Dalada ardayda soomaaliyeed ee dalka sudaan ayaa habeenimadii xalay oo taariikhdu Ku beegnayd 30/7/2018 waxa ay xaruntooda Ku qabteen xaflad lagusoo afmeerayay kitaabka Minhaaju Daalibiin ee fiqiga shaaficiga. Xafladdan oo ahayd Mid balaaran islamarkaana ay kasoo qayb galeen aqoon yahan badan oo Ku sugan dalka suudaan ayaa Jaa’iso Cilmiyeed lagu gudoon Siiyay 11 arday oo dhamaystay kitaabkaas.

Ugu horayn waxa xaflada lagu furfuray aayado quraan ah, intaas kadib waxa xigay kalmado ay madasha kasoo jeediyeen aqooyahankii Marti sharafka ahaa ee kasoo qayb galay xaflad. Intaa kadib waxa hadalka qaatay shiikha kitaabka ardayda u akhriyay oo ahaa Sh Mahad Kaamil Diiriye, shiikhu waxa uu aad ugu dheeraaday ahmiyada barashada cilmiga sharciga, waxa uuna aad ugu dheeraday in ay lagama maarmaan tahay in culimada laga laga qaato cilmiga.

Ugu dambayn waxa madasha soo xiray gudoomiyaha isku xirka ardayda soomaaliyeed ee dalka suudaan Sh mawliid Cumar Jaamac , waxa uuna ugu horayn u mahad celiyay shiikhavardayda kitaabka u akhriyay.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday dowrka Raabidada isku xirka ardayda soomaaliyeed ee dalka suudaan, isagoo tilmaamay in raabidadu mar walba u taagan tahay arimaha diinta iyo wacyi galinta bulshada soomaaliyeed.

Gabagabadii xaflada waxa uu isku xirkà ardayda soomaaliyeed ee dalka suudaan abaal Marin gudoon siiyay shiikhii ardayda kitaabka u akhriyay, iyo ardaygii ugu xaadiritaan badnaa inta uu kitaabku socday. Sidoo kale waxa madasha lagu gudoon siiyay ijaaso gaarsiisan ilaa mu’lifka qoray kitaabka ardaydii dhamaysatay kitaabka.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online