Madaxweynah JFS Farmaajo oo ka qayb galaya Caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga.[Masawiro]

July 10, 2018 - Written by Editor

Ankara:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaaray magaalada Ankara halkaas oo berri lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri; “Madaxweynaha waxa uu halkan u yimid inuu ka qeyb qaato waaga cusub ee u baryaya walaalaheenna reer Turkiya keddib natiijadii doorashadii madaxtinnimo, waxaana rajeynaynaa in xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiya heerka uu haatan taaganyahay inuu kasii xoogeeysto.”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga soo qeyb galeen Shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo munaasabad lagu daah furayay Suuqa Xorta ah ee Jabuuti.

Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so 

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online