Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjire Michael Keating.[Masawiro]

July 25, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay  25 July 2018 waxaa uu xafiiskiisa kulan kula qaatey wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa   kulanka uu maanta laqaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Deegaanka iyo isbedalka Cimilada, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxeynaha Dawladda oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael Keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlan ee Magaalada Garoowe,

“Waxaan maanta halkaan ku qaabilnay Danjire Michael Keating  oo ah wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan oo runtii aan si dhow u wada shaqeenayney mudo sadex sano ku dhow, Danjire Michael Keating waxa uu noogu yimid shaqda ay UN- ku ka hayaan Puntland guud ahaan dhammaanteed in aan iska wareeysano nabadeentii kasocotay  Gaalkacyo, horumarka hay’adaha kala duwan ee UN-ku ka hayaan Puntland, nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya, Soomaaliya xaaladeeda guud, hanoqoto dhan ciidan, dhismaha ciidamada Soomaaliya, hanoqoto arrimaha dhaqaalaha iyo waxyaabihii ugu danbeeyay ee kasoo baxay shirkii lagu yeeshay Brussles bishaan gudeheeda ee aan hada ka nimaadnay, waxaasoo dhan baan ka wada hadlanay “ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahad naqay Madaxweynha Dowldda Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa, isla mar’ahaantaana ku bogaadiyey Puntland horumarka baaxada leh ee ka socda mudada kooban ee madaxweynuhu uu xilka hayey, sidoo kalena Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweynha Dowladda ay kawada hadleen arrimaha siyaasda Soomaaliya, Amniga gobolka iyo xaalada deegaanka Tukaraq.

Danjire Michael Keating ayaa aad u bogaadiyay xaalada amni ee Gobolka Mudug wuxuuna amaan usoo jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee labada dhinac oo uu sheegay in ay qabteen shaqo aad u muhiim ah isla’amarakana aan laga cabdsi qabin xaalad amni darro oo kasoo cusboonaata Gobolka Mudug, sidoo kale Danjire Michael keating ayaa sheegay in Qaramada midoobay ay arinta gobolka Sool ka telagelin doonto odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaadhista masiirkooda.

Ugu danbeyn Madaxweynha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay kawada hadleen asaga iyo Danjire Michael Keating xaalada Tukaraq waxaana uu madaxweynuhu si cad ugu sheegay Danjire Michael Keating mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaalada deegaanka Tukaraq oo uu Maamulka Soomaaliland kusoo duulay,  isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay inta taako Puntland katirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn, Puntland na ay xoreynayso dhulkeeda.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA  HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online