Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka qaybgalay Daahfurka Wajiga 2aad ee Dhismaha Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo.[Masawiro]

July 3, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay oo taariikhdu ahayd 2 July 2018 waxaa uu ka qaybgalay daahfurka wajiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo kadhacay hoolka Jaamacad Bariga Afrika ee magaalada Garoowe.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland ku wehelinayey qaar kamida goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, guddiga waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, ganacsato iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Guddiga dhismaha waddada ayaa Madaxweynaha uga xog-bixiyey meesha ay marayso shaqadda dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, isla mar’ahaantaana waxaa ay kulanku intii uu socdey soo bandhigeen muuqaalo muujinaya sida ay shaqadu u socoto iyo meesha ay marayso dhismaha waddadu.

Dhinaca kale dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo ay hada soo geba-geboowday wajigeedii koobaad ee wadada oo dherarkeedu yahay 90 km, ayaa waxaa ay tahay shaqada laga qabtay simitaan iyo kushubid jay iyo caratuur, waxaana loo gudbay wajiga labaad oo ah dhigitaankii daamurka oo loo keenay qalab casri ah oo lagu dhiso wadooyinka wadamada horumaray.

Sidoo kale Dhismaha waddada Ceel-daahir, Ceerigaabo kharashka lagu dhisayo ayaa kayimid iskaa-shiga shacabka iyo Dowladda Puntland, kuna hirgalay halkudhigii ”Puntland ha isku tashato”.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabnaysa ka jeediyey madashii xalay ayaa yiri”

Waxaan mahad balaadhan u jeedinayaa intii soo qaban qaabisay munaasabadaan oo ay ugu horayso jaamacadda Bariga Africa iyo guddiga wadada Ceel-daahir iyo Cirgaabo, dhab ahaantii aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo xafladdaan si gaar ah ayey ii taabanaysaa ka soo qayb galkeedu, Mahad dhammaanteed Alle ayey u sugaantay marka laga yimaado haddii cid ammaan leedahay waxaa iska leh guddiga wadada oo uu shiikh Maxamuud gudoomiye u yahay.

Anigu haddaan shaqo qabtay waajib isaran ayaan gutay sidaas ayey dadka reer Puntland ii doorteen kumana ammaani shaqadaas qaran ee aan gutay, dadka reer Puntland waxaa waajib iyo xujo ku ah dhismaha wadadaas oo fure u noqon karta hourmar iyo shaqooyin badan oo Puntland ka hirgala, haddii ay fashilanto wadada Ceel-dahir iyo cirgaabo wadooyin kale oo inoo dhismaya ma jiraan marka aan tijaabino awoodeena oo wadada ha laga qayb-qaato, qurba joogta waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin waxaan idinka rajaynanaa in lacagaha aad dalxiiska ku aadaan aad ku bixisaan dhismaha wadadaas muhiimka u ah hooyooyinka foosha ah, guusha wadadaas laga gaadhaa waxay fure u tahay guulo badan oo soo socda haddaan ku guulaysano Ceel-Daahir-Cirgaabo mashruuca ku-xigaa wuxuu noqonayaa Kalabaydh ilaa Baargaal.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa balan qaaday in uusan ka harayn inta laga dhammaystirayo wadada Ceel Daahir- Cirgaabo oo dhismaheedu heer gebogebo ah marayo.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online