Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Brussles kaga qayb galay shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.[Masawiro]

July 17, 2018 - Written by Editor

Brussles:-Madaxweybaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 16 July iyo 17 July waxaa uu magalada Brussles ee dalka Belgium kaga qayb galay shir looga hadlayo danaha iyo geesi socodka nabada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa shirkan ku wehelinayey qaar kamida golaha xukumadda Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale shirkan oo looga hadlayey danaha iyo geedi socodka nabada Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ah madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Kuwa Dowladdaha xubanaha ka ah DFS iyo beesha caalamka oo shirkani soo qaban qaabisay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maalinimadii shalay shirka khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka waran xaalada adag ee ka jirta Soomaaliya, hanaanka dumuqraadiyada iyo geedi socodka xasilinta Soomaaliya iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa beesha caalamka ugu waramay horumarka baaxada leh ee ka socda Puntland, markaad eegto dhinaca amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta Dimuqraadiyada oo Puntlnad meel wanaagsan ay marayso, sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tibaaxay dagaalka Tukaraq iyo fara gelinta qaawan ee xuduudaha Puntland maamulka Somalinad uu ku hayo.

Ugudanbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Soomaliya u rajeeyey inay cagta saarto dhabada nabada iyo horumarka, isagoo dhinaca kale sheegay in madaxda Soomaaliya looga baahan yahay hogaamin wanaagsan iyo daacadnimo.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online