Madaxweynaha Dowladda Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe.[Masawiro]

July 23, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 July 2018 waxaa uu dib ugu soo laabtay Puntlnad, kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa magaalda Brussels ee Dalka Belgium.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayey oo ka koobnaa qaar kamida Golaha Xukuumadda iyo Saaraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Aripot ee Magaalada Garoowe, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Garoowe, kan Gobolka Nugaal, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, ganacsato iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa magaalda Brussels ee Dalka Belgium uga qayb galay shirkii looga hadlayey danaha iyo geedi socdka nabadda Soomaaliya, oo ay ka qayb galeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Airport isaga oo ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee uu ugu maqnaa magaalda Brussels ee dalka Belgium, ayaa yidhi,

“Waan idinkaga mahad naqayaa soo dhoweynta aad sida diiran noo soo dhoweyseen oo ay ugu horreeyaan gudoonka Baarlamaanka iyo xubnaha Goloyaasha Dowladda ee kala duwan, saad la socotaan waxaan ka qayb galay shirkii la oran jiray SPF, oo ay iskugu imaan jireen beesha caalamka ama daneeyaasha Soomaaliya iyo Soomaalidu, shirkaas oo la isugu yimi caasimada Dalka Belgium, shirkaas waa la socoteen wuxuu ahaa shir labo berri soconayey loogans hadlayey duruufaha iyo xaalada ay Soomaaliya ku jirto, dhan dhaqaale, dhan amni iyo dhan siyaasadeed oo aad looga hadlay, shirkaas waxaan is leeyahay waa ka duwanaa shirarkii hore markii la eego qaabkii Soomaalida loola dhaqmaayey ama loo eegayey duruufahooda, waxaa ka soobaxay haddii la hirgeliyo, waxaan isleeyahay wax wanaagsan baa kasoo baxaya, Soomaaliyana wax badan baa iska bedelaya waqtiga dhow haddii Alle yiraahdo”

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey kulan uu la qaatay Jaaliyada Puntland ee Qaarada Yurub, waxaana uu madaxweynuhu sheegay in ay uga warbixiyeen xaalada dalka guud ahaan iyo inay si gaara ugaga warbixiyeen xaalada socota ee xoreynta Gobolka Sool.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online