Madaxweynaha Puntland iyo RW Khayre oo kormeeray xarumaha dowlada Puntland (Masawiro)

July 30, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre ayaa maanta oo taariikhdu tahay 30 July 2018 waxay kormeer ku sameeyeen qaar kamida xarumaha Dowladda Puntland ee kuyaala magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku wehelinayey kormeerka Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, qaar kamida Goloyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xarumaha ay Kormeerka ku sameeyeen Madxaweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha waxaa kamid ahaa wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Maaliyada, Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Haweenka iyo Wasaaradda Arrimaha Guadaha iyo Hrumarinta reer Miyiga.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kormeerka ka bilaabay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyagoona mid mid u galay xafiisayada wasaaradahaasi welibwna warbixinona ka dhageystay wasiiradda wasaradaha iyaga oo wliba u kuudh gelaya qaabka sida ay u shaqeeya an.

Intaasi kadib Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre ayaa kormeerka kadib waxaa ay tageen Jaamacada Bariga Africa halkaasi oo ay kula hadleen boqolaal ardayda Jaamacadaha Garoowe dhigta kamida.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban u jeediyey ardayda Jamacadaha caasumada Dowladda Puntland ee Magalada Garoowe ayaa waxa uu yiri

“Waan idin salaamayaa dhammaantiin aad iyo aad ayeey noo farxad galinaysaa inaan idinkala soo qayb galno xafladdan bahda waxbarashadu ay kusoo dhoweeynayaan Ra’iisul-wasaarahooda, runtiin aad baan ugu faraxsanhay Jaamacada Bariga Africana aad bay u mahadsan tahay Khayr Alle hasiiyo mar walbaaba dooraka ay ku leedahay waxbarasho iyo taageeronimada iyo garab istaaga Dowladnimada aad iyo aad baad u maghad santihiin, intii kaloo kasoo qayb gashayna wan idin salaamaya waad mahadsantihiin, waxa noo yimid Ra’iisul-wasaarihii Dowladda Federaalaka Soomaaliaya, wuxuuna u yimid inuu idiin warramo mustaqbalku waxa uu ku jiraa waa dhalinyarada marka dhalinyaradu waa in ay waajibaadkooda gudato, xuquuqda dalka ay ku leeyihiina ay helaan, latageero barbaarintooda, hagaajintooda iyo jihayntooda ay muhiim tahay, markaa Ra’iisul-wasaare soo dhowoow dhalinyaradu aday ku sugaysaa, ayuu yidhi Madaxweynaha Dowladda Puntland’’

Sidoo kale Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre ayaa ardayda Jaamacadaha Magaalada Garoowe kula dar-daaramay xajinn midnimda ummada Soomaaliyeed una istaagaan sidi dalkan ay u hagaajin lahaayeen islamarkaana waxaa uu Ra’iisul-wasaaruhu sheegay in Soomaaliya ay hatsato Fursad ay ugu horeyso dhalinyarta fursadaasna ay tahay in laga faa-iidaysto, ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

Ugu danbayn, Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa ku sugnaan doona Caasimada Dowladda Puntlnad ee Garoowe tan iyo 20 guurada kasoo wareegtay maalinta dhidibada loo taagay Puntlnad ee 1-dii August 1998 oo ku beegan maalinta Arbacada fooda inagu soo haysa.

 

                                                    DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online