Madaxweyne Farmaajo oo dalka kusoo laabtay ka dib Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

July 19, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shirkii miro dhalka ahaa ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa Brussels waxa uu la kulmay madax ka socotay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, oo uu kala hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey qaar ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku soo saagootiyey magaalada Brussels, isagoona ku adkeeyey in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dib-u-dhiska dowladnimada iyo soo-celinta maqaamkiii Soomaaliya ay ku lahayd saaxada caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay howlaha adag ee horyaalla Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu muhiimsan tahay tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidammada Qalabka Sida, kobcinta ganacsiga, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab iyo Daacish ee duullaanka ku ah jiritaanka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedintiisa ugu dulmaray qurbajoogta Soomaaliyeed ee Qaaradda Yurub guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Federaalka ah, kordhinta ilaha dakhliga, xaqiijinta kalsoonida beesha caalamka, dib-u-soo-celinta maamulka hawada iyo maxaabiistii ku dhibaataysnayd xabsiyada dalalka shisheeye oo waddanka dib loogu soo celiyey.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so 

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online