Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wafdiga Jabuuti ee ka soo Qeyb Galay Xuska1-da Luuliyo.[Masawiro]

July 3, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himi looyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa yiri; “aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida walaaltinimada leh ee aad noogala soo qeyb gasheen sanad guurada 58aad ee ka soo wareegtay xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo midwoga labada gobol. Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero noo ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo.

Wafdiga ka socday dalka Jabuuti ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, fannaaniin ka tirsan Kooxda Xarbi ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Jabuuti iyo saraakiil ciidan.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliyana waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online