Madaxweynhaa Dowladda Puntland oo Maanta Dhagax Dhigay Dekada Garacad iyo Wadada Laamiga ah Ee Wadaagsin

July 31, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 31 July 2018 waxaa sidiiran loogu soo dhoweeyay Magaalo xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo saaka subaxanimadii ka anbabaxay magaalada Garoowe ee caasumada Dowladda Puntland ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey Guddoomiayaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, ku-xigeenkiisa 2aad Xuseen Xaaji Diiriye, qaar kamid ah golayaasha Dowladda Puntland, Xildhibaano katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha oo maanta gelinkii hore ka ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland ayaa markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Garacad, waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay maamulka Gobolka Mudug, Isimo, waxgarad, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaanka Garacad.

Intaas kadib wafdiga Madaxweynaha ayaa loo sii galbiyay gudaha magaalada, halkaasi oo ay ku sugnaayeen qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si diiran usoo dhawweeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee la socday.

Booqashada Madaxweynaha ee Garacad ayaa la xariirtay sidii uu u dhagax dhigi lahaa mashaariic hormarineed oo lagu dhisayo qorshaha isku tashiga shacabka ee ay hormuudka u tahay xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyadoona maanta uu Madaxweynahu ka dhagax dhigay magaalada Garacad dhismaha Dekeda Garacd iyo wadada wadaagsin ee isku xidhi doonta magaalooyinka Galdogob iyo Garacad.

Dhismaha dekedda ayaa dhererkeedu yahay 636m, Ballac gaaraya 50m iyo Qotinkeeda hoose 11.5 ilaa 14.5m, waxaana ku baxaya lacag gaaraysa 40 Milyan oo dollar, iyadoona ay dhisi doonto shirkada laga leeyahay wadanka Turky ee TTN.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyay xafladda dhagax dhigga Dekedda Garacad ayaa yiri”

“aad iyo aad baan idiin salaamayaa iyada oo ay idiinku horeeyaan gudoonka Baarlamaanka iyo isimada, waxaan leeyahay marka hore Soomaaliya hanoolaato, Puntland hanoolaato, isku tashigu hawaaro, runtii aad iyo aad baan ugu faraxsanahay kasoo qayb galka xafladdan, intii soo qaban qaabisayna aad baan ugu mahad naqayaa uu guddigu ugu horreeyo, inta kasoo qayb gashayna aad iyo aad bay ugu mahadsan yihiin, meelkasta oo ay ka yimaadeenba waxaan islee yahay maanata saxan-saxada iyo uduga ayaan ka gartaa inay hirgalayso dekeda Garacad, maanta Puntland oo dhan baa halkan timid maraan fogeyna Soomaali oo dhan baa imaanaysa, dekedaasi marka ay dhisanto ma noqonayso mid heer, mid dagmo, mid Soomaaliya ma noqonayso ee waxay noqon mid mandiqada oo dhammiay ka faaidaystaan”

Ugu dambayn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabatay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib markii uu joogay saacado kooban magaalada Garacad.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online