Musasada EMA oo Heshiis la soo gashay Shirkada Buonyan iyo Binaa Insaan (Masawiro)

July 30, 2018 - Written by Editor

Istanbul:-Musasada Europian Muslim Association  (EMA ) ayaa waxaa ay heshiis la saxiixatay Shirkada Al Buonyan iyo Bina Insaan waxaana heshiiska lagu wada saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiya .

Heshiiska ayaa waxaa u saxiixay Musasada EUROPIAN MUSLIM ASSOCIATION (EMA ) gudoomiya golaha Shuurada Bile Hassan Osman (Abu Saciida) halka Shirkada Bunyan uu u saxiixay Sheekh Dr Cabadalla Al-Qaamidi ,waxaa sidoo kale Shirkada Bina Insaan U saxiixay Sheekh Xaliim Al-Turki.

Heshiiska Mussada EMA ay la gashay shirkada Al Buonyan Company ayaa wuxuu ahaa Heshiis guul weyn ah waxayna labada dhinac iska kaashan doonaan
Fulinta iyo hergalinta Baraamij Cilmi ,sida Nadwooyinka ,Mutamaraadka ,tababarada iyo horumarinta majaalka Dacwada Islaamiga ah.

Dhanka kale Heshiiska ay musadada EMA ay la gashay munadamada Binaa Insaar oo xarunteeda ay tahay dalka Turkiga ayaa waxaa ugu muhiimsanaa.

1-In la iska kaashado labada dhinac Majaalka Dacwada Tacliinta arimaha Bulshada .
2- in la is dhaafsado Khibrooyinka dhinacyada cilmiga Tarbiyada horumarinta sida fulinta Mashaaric Khayri iyo mid cilmi ah ,daabacida Kutubta ,Ra,saailka Cilmiga ah iyo Buxuusta Cilmiga ah .

3-in la iska kaashado tandiiminta Mutamaraadka ,dowrooyinka ,tababarda dhinacyada kala duwan sida Maamulka iyo Maareynta iyo Warbaahinta.

Heshiiska ay Musaasada EMA la gashay Shirkada Buonyan iyo Munadamada Bina Insaan ayaa waxaa uu ahaa mid guulweyn u ah Musadada EMA oo horumar weyn ka sameysay dhanka xiriirka dibada iyada oo xiriiro dhow la yeelatay Shirkado baac dheer ku leh majaalooyin kala duwan .

Halgan.net
Istanbul.

Comments are closed.

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online