Ra’iisul Wasaaraha JFS oo qaabilay Safiirka dalka Hindiya u qaabilsan Soomaaliya.[Masawiro]

July 19, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Hindiya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Suchitra Durai iyo wafti ay hogaaminaysay. Waxayna ka wada hadlayn xiriiirka qotada dheer ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqayn karaan labada dawladood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Hindiya ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa iska xaal waraystay xaaladaha labada wadan iyo xiriirka wadashaqeneed ee ka dhaxeeya, waxayna isla garteen in la sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Hindiya, si shacabka labada dal ay u kala faa’iidaystaan.

Suchitra Durai ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre u sharaxday qorshaha ay dawladda Hindiya doonayso in ay kula shaqeyso Soomaaliya, sidoo kalena waxay u soo bandhigtay mashariic dhowr ah oo ay dawladda Hindiya ka hirgalin doonto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo ay kulanka ku weheliyeen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiir Dawlaha Arrimha Dibadda ayaa madaxda Hindiya ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya ula shaqeyaan, waxayna ku dhirigaliyeen shaqooyinka horumarka leh ee ay ka wadaan dalka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online