Taliye ku-xigeenka Ciidanka Puntland ee Aaga Af-urur oo beeniyey inay ka Baxeen Af-urur.[Dhagayso]

July 20, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Taliye ku xigeenka ciidamada dowladda Puntland ee deegaanka Af Urur Cigaal Cabdi Warsame oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garoowe ayaa beeniyey in ay ka baxeen deegaanka Af-urur waxaan uu xusay in ciidanka Puntland ay ka howl gali doonaan goobaha lagu sheegay in ay ku sugan yihiin si dhaqso ahna ay Al-shabaab talaabo ka qaadi doonaan.

Taliye ku xigeenka ciidamada dowladda Puntland ee deegaanka Af Urur Cigaal Cabdi Warsame ayaa ugu baaqay shacabka Puntland ay gacan siiyaan ciidanka Puntland oo mar walba u taagan sugida amniga iyo ka hortaga dhagaraha ay Al-shabaab u soo qorsheeyaan in ay ku dhibaateeyaan shacabka Puntland isagoo cod dheer ku sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaa Al-shabaab iyo cid walba oo ku soo duusha deegaanada Puntland.

Hoos ka Dhagayso waraysiga lala yeeshay Taliye ku xigeenka ciidamada dowladda Puntland ee deegaanka Af Urur Cigaal Cabdi Warsame

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2018/07/AF-URUR.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online