Abdifitaax Maxamed Cali oo ururka Al-shabaab ay ku dileen degmada Buuhoodle.[Masawiro]

August 1, 2018 - Written by Editor

Buuhoodle:-Waxaa caawa salaadii Makhrib ka dib qarax naftii halignimo ah uu ka dhacay magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn waxaa lagu bartilmaamsaday Allaha u naxariistee Abdifitaax Maxamed Cali iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal.

Qarax ka dhacay magaalada Buuhoodle waxaa kale oo ku dhaawacmay 4 qof oo kale , dadka ku dhaawacmay qarax  waxaa ka mid ah Yusuf Cismaan Baxnaan Dhagcas oo ka mid ah odayaasha laga yaqaan degmada Buuhoodle iyo Col.Cabdiraxmaan Afweyne oo qaba dhaawac sahlan iyo weliba darawalkii gaariga u waday.

Qof naftii haliga ah ayaa gaari loo yaqaano Nooha oo ay saarnaayeen Abdifitaax Maxamed Cali iyo wasiir Doolaal isku Qarxiyey waxaan qarax ka dib goobta soo gaaray ciidamada amaanka ee Magaalada Buuhoodle.

Qarax ayaa waxaa ka danbeeyey Al-shabaab oo iyagu doonayey in ay dilaan Abdifitax Maxamed Cali oo mar ka mid noqday ururkii Xisbul Islaam gacan yarena u ahaa Sh Xassan Daahir Aweys isagoona noqday Madaxii Maaliyada ee Xisbul Islaam walow bilhii danbe uusan wax xiriir ah la yeelan wax urur ah.

Dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda BBC-da ayaa cadeeyey in u jeedka qarax lala bartilmaamsaday  Cabdifataax Maxamed Cali oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa degmada Buuhoodle ay tahay isagoona ka waday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo lagu taageerayo maamulka Puntland oo ku lug leh colaad Gobolka Sool gaar ahaan degmada Tukaraq

Dhinac kale Garaad Cabdirisaaq  oo ka mid ah Issimada waaweyn oo ka hadlay qarax ka dhacay Buuhoodle ee lagu dilay dad aan waxba galabsan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay isagoona ugu baaqay shacabka Buuhoodle in ay is dejiyaan sabraana.

 

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online