Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay xaalada Magaalada jigjiga.(Dhageyso)

August 5, 2018 - Written by Editor

Qardho:-Boqor Burhaan Boqor Muuse oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Qardho waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamey dhibaatada wayn ee ka dhacday dhulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, boqorku waxaa uu sheegay in aan la aqbali Karin waqtigaan in ciidamo la geeyo jigjiga, dawlada federaalkana waxa uu ka codsaday in ay hirgeliyaan balan qaadkii ahaa in Geeska Afrika laga hirgeliyo nabad waarta.

Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaa uusheegay in aysan xaq ahayn in dadka soomaaliyeed khayraadka dhulkooda laga helay laga siiyo wax dhan boqolkiiba shan, boqorku ugu dambayn waxa uu fariin u diray dadka soomaalida ee ku dhaqan dawlad deegaan soomaalida itoobiya.

Weriya Horseed Media ee Qardho Maxamuud Nadiif Shire ayaa warbixintaan kasoo diyaariyay shirka jaraaid ee Boqorku qabtay.

Xigasho Horseed Media 
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online