Ciidamada PSF oo hawlgalo ka fuliyay Buuraha Calmadow ku dilay 15 xubnood oo ka tirsanAl-Shabaab.[Masawiro]

August 6, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada difaaca Puntland ee PSF,ayaa maanta hawlgalo ay ku fuliyeen Buuraha Calmadow waxay ku dileen 15 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaas oo ku dhuumaaleysanyey Buuraha Calmadow ,Ciidamada PSF ayaa baryahaan howlgalo ka waday Buuraha Calmadow .

War ay ku faafiyeen ciidanka PSFta Puntland bartooda Face Book ayaa waxaa uu u qornaa sidan .

 
”Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 06 August, 2018 hawlgal dagaal oo ballaaran oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyeen Buuraleyda degaanka Madarshoon ee Buuraha Cal Madow,Puntland, Soomaaliya.
 
Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxay na dileen intii hawlgalkani socday 15 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana waxaa la gaarsiiyey dhaawacyo.
 
Dhanka kale, intii hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF ku guulaysteen in ay cadowga Al Shabaab ka sifeeyaan degaanada Madarshoon, Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow.
 
Ciidanka PSF waxaa ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha argagixisada ah ee ku soo duulay Puntland, si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddanka ka caaggan kooxaha cadowga ah iyo falalkooda argagixisanimo.

 

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online