Ciidanka DFS oo Muqdisho ku toogtay Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab

August 5, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ciidammada amniga ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka dib markii ay koox ka tirsan ay baabuur ku dhex dileen dad aan waxba galabsan sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta DFS Dr. Daahir Maxamuud Geele.

Dr. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in hayaan cadaymo muujinaya in koxda al shabaab ay ka danbeeyaan dilka magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Maxamed Maxmuud Sheekh oo ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen kooxda Al Shabaab ee dilka geystay iyo hubkii ay wateen.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhex dilay askari ka tirsan DFS Masjid ku yaal magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar Jajab gaar ahaan masaajid ku yaalla Agagaarka Biyaaso Liibaro.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online