Jeneral Cabdalla Cabdalla oo Eedeeyay Hay’addiisii Hore ee NISA.[Dhagayso]

August 29, 2018 - Written by Editor

Idaacadda VOA waxaa la soo xiriiray Jeneraal Cabdalla Cabdalle Maxamed oo horey u ahaan jiray taliye ku xigeenka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, xilkaasi oo dhowaan laga joojiyey markii dambena laga qaaday. Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa VOA u sheegay in illaa iyo haatan aanay u sheegin mas’uuliyiinta dawladda iyo kuwa hay’adda sababta shaqada looga qaaday. Haaruun Macruuf ayaa ugu horrayn weydiiyey sida uu xilligan u arko awoodda iyo shaqada hay’adda nabadsugidda ee NISA?

Dhagaystayaal waxaa naga xusuusin ah inaan la xiriirnay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adda NISA iyo laamaha kale ee dawladdaba, ilaa haatanse aysan noo suurto gelin inaan ka helno waraysi ku saabsan eedaha uu soo jeediyey taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA. Hase yeeshee marka ugu horraysa ee aan mas’uuliyiin ku helno khadka telefoonka waan idiin soo gudbin doonaa.

Hase yeeshee, waxaan dhinaca kale waraysi la yeelanay Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo horey ugu soo shaqeeyey hay’adda nabadsugidda haatanna ka tirsan mac-hadka daraasaadka amniga ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdishu. Jamaal Axmed Cismaan ayuu uga warramay sida uu arko shaqada hay’adda NISA, iyo eedda jeneraal Cabdalla Cabdalla.

Source: VOA

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online