Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Sagootiyey Ra’iisu-wasaaraha JFS (Masawiro)

August 4, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta oo tariikhdu tahay 4 August 2018 waxaa uu saagootiyey ra’iisul-wasaraaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha Dowladda Puntland sagootinta uu u sameeyey ra’iisul-wasaaraha waxaa ku weheliniyey madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Barlamaanka Dowladda Puntland, qaar ka mid ah golayaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyadda Dowlada Puntland.

Dhinaca kale Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugnaa mudo todobaad ah caasimada Dowlada Puntland ee Garoowe, ayaa dib ugu laabtay maanta fadhiisinkiisa magaalda Muqdisho.

Ra’iisul-wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya, oo la hadlay warbaahinta ka hor Intaanu ka anbabixin ayaa shacabka iyo Dowladda Puntland uga mahadceliyey soo dhoweyntii balaadhneyd ee loo sameyey, wuxuuna ku aamanay wadashaqaynta ka dhaxaysa shacabka iyo Dowlada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad kooban ka jeediyey sagootinta Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxa uu yiri,

“Waxaa maanta halkan ku saagotinaynaa Ra’iisul-wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo mudo asbuuc ah booqasho ku joogay Puntlnad, meelo badan soo kormeeray, halkan aan ku qabanay shirkii wadajirka ahaa ee golaha wasiirada oo runtii aan islee yahay laga dhaxlay waxabadan oo is dhaafsi macluumaad iyo iska warqabka Dowaladda Federaalka iyo Dowladda Puntland laguna lafa gurayey wadashaqaynta hay’adaha dowliga ah ee heer gobol iyo heer federaal, waxaan rajaynaynaa in boqashada Ra’iisul-wasaaruhu ay waxbadan ku so kordhin donto geedi socodka dowladdnimada iyo nabada Soomaaliya insha allahu, Ra’iisul-wasaare farxad baan kugu sagootinaynaa, wanaag baan kugu sagotiyeynaa, insha allah waxaan rajayn boqoshadan inaysan noqon tii ugu dambaysay ee aad ku timi Puntlnad, waxaan rajaynaynaa inaad marmar badan noo imaan doontid insha allah, dalkana xaaladiisa si dhow aad ula socon doontid, ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas”
DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online