Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga

August 6, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 6 August 2018 waxaa uu xadhiga kajaray xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland, xaruntaas oo dayactir lagu sameeyey.

Madxaweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Hay’ada UNDP Soomaaliya Mr.George Conwey Madxa UNDP Puntland Mr. Sayid iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland oo ahayd xarun horey ay wasaarddu ugu shaqeyn jirtay ayaa waxaa dayactir balaadhan ku sameeyay Hay’ada UNDP oo maashaariico horumarineed oo badan ka fulisay deegaanada Puntland, wada shaqayn dhowna la leh Dowladda Puntland.

Xadhig jarka kadib Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyay xafiisyada iyo qaybaha ay ka koobantahay dhismaha wasaaradda, islamar’ahaantaana mid mid ugalay xafiisayada wasaaradda oo xiligaasi ahaa kuwa mashquulsan oo shaqado maalmeedkii ka socotay, sidoo kalena  madaxweynaha ayaa indhaindheeyey qaabka ay u shaqadu socoto.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad koobn ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”

“Waan ku faraxsanahay inaan maanta imaado Wasaarada Qorsheynta oo waji cusub yeelatay, waan ku faraxsanahay inay wasaardu saas isku bedeshay, waxaan ka hadlayaana maaha muuqaalka guriga,  ee waxaan ku faraxsanahay waxa weeye markaan tegay xafiisyada iyo shaqada kasocota, iyo inaan arkay dad dhalinyaro ah oo ku faraxsan shaqada ay hayaan, wasaardani waa wejigii laga soo gelayey Dalka,  markaa inay fiican tahay, wanaagsan tahay, qurux badan tahay waa wax aad loogu baahan yahay,  idinkana ka wasaarad ahaan waxaan idinkula dardaarmayaa in shaqada aad wadaan aad meesha kasii wadaan, sidoo kalena hay’ada UNDP way ku mahadsan yihii shaqada wanaagsan ee ay qabteen, waxaana maanta mahadagaara unaqayaa madaxda hay’da oo uu ugu horeeyo George,  iyo Seyid oo isaguna ah madaxa Hay’ada ujooga caasimada Puntland oo aan sigaara ugu mahadcelinayo, runtii isbedal balaadhan bay Wasaaradu gaadhay intii uu Wasiir Shire wasaarada yimaadey, wayna kamuuqataa hogaamintiisa wasiirku  Wasaarada” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
« Jul    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online