Madaxweynaha Puntland oo ka qayb-galay Sanad Guurada 20-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Puntland.[Masawiro]

August 3, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 04 August 2018 ka qayb galay xuska sanad guurada 20-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Puntland 01 August 1998.

Xuska maalintani taariikhiga ah oo lagu qabtay Garoowe ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cadullaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi , Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed , masuuliyiin ka tirsan xukuumadda DFS iyo Baarlamaanka Soomaaliya, Goloyaasha dawladda Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, isimo, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacab aad u tiro badan.

Sidoo kale waxaa xafladda xuska sanad guurada 20-aad ee dawladda Puntland qayb ka ah kooxda Waaberi Puntland, taariikh yahano iyo fanaaniin kale.
Lasoco wabaxinaha kale ee xafladda xuska Sanad guurada 20-aad ee dawladda Puntland.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online