Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

August 29, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaanka Madasha ka hor waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka qayb galka DFS ee shirkan uu muhiimad u leeyahay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalkeenna.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kala arrinsan doontaa Shiinaha sidii ay qayb muhiim ah uga qaadan lahayd maalgashiga dalka iyo soo celinta kaalinta soo jireenka ah ee ay ku lahaayeen dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha.”

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Shiinaha waxa ay wadatashi iyo wadahadallo la qaadanayaan dhiggooda ka socda dalalka ka soo qayb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online