Madaxweyne Gaas oo ku booqday Hoyga uu ka degan yahay Garoowe Beeldaaje Maxamed Beeldaaje [Masawiro]

August 27, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 August 2018 waxaa booqasho iyo salaan ugu tegay Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland.

Booqashadan uu madaxweynuhu ugu tegay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Cabdullaahi Beeldaaje Iismaaciil ayaa waxaa ku wehelinayey saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulan gaara la qabatay Beeldaajaha, kulankaas oo ahaa mid is xogwaraysi, islamrkaana madaxweynaha Dawladda Puntland uu ku dhiiri gelinayey taabagelinta nabadaynta beelaha, xoojinta dhaqanka iyo sidii loo dhowri lahaa dhaqanka bulshooyinka Puntlnad.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maanta martiqaad qado sharafeed ah ugu samayeey qasriga madaxtooyada Dowladda Puntland ee Magaalada Garoowe Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online