Puntland oo Warsaxaafadeed ka soo saartay dilal ka dhacay magaalada Laascaanood

August 22, 2018 - Written by Editor

Dawladda Puntland waxay ka xun tahay Ardeydii 20-kii August ay ciidamo ka amar qaata maamulka Soomaaliland ku xasuuqeen magaalada Laascaanood, waxaana isla goobtaas ku geeriyooday labbo ardey oo kala ah Alle ha-u-naxariistee Marxuum Shaafici Cabdi Goox iyo Marxuumad Barwaaqo Cabdirashiid Warsame, sidoo kale waxaa dhaawac halis ah soo gaaray ardey kale, iyadoo ay horey Isbitaalada u yaaleen shacab lagu soo wax-yeeleeyey Laascaanood oo ay ka mid tahay dhibane Sacdiyo Xirsi Maxamed iyo shacab kale oo badan.

Haddaba Dawladda Puntland waxay ka digeysaa weerarada, dilalka iyo tacadiyada sida joogtada ah loogu hayo dadka rayidka ah ee ku nool Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood.

Dawladda Puntland waxay ka xun tahay sida Hay’addaha u xilsaaran illaalinta xuquuqda aadamaha ay uga aamusan yihiin tacadiyadaas joogtada ah ee lagu hayo shacabkaas aan waxba galabsan.

Dawladda Puntland waxay u’sheegaysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Urur goboleed IGAD in xukuumadda Muuse Biixi ay xasuuqa shacabka aan waxba galabsan ee Gobolka Sool uga golleedahay madax furasho siyaasadeed iyo cabsi-gelin bulsho si loo dhantaalo midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn, Dawladda Puntland waxay u’sheegaysaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed in Gobolka Sool uu ka jiro dil, barakacin, iyo cabudhin joogto ah oo lagu hayo shacab aan waxba galabsan, taasoo reebi-doonta cawaaqib xumo saameyn ku yeelan-doonta dhammaan geyiga Soomaaliyeed.

——–Dhamaaad——

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online