Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho oo geystay Khasaaro kala duwan

August 5, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay goordhow meel ku dhaw Isgooyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaaxi lagu magacaabo Bar Italia oo ku taal wadada Makka-Al-Mukarramah.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa waxaana uu geystay khasaaro kala duwan waxaana khasaaraha uu aad u gaaray dad rayid ah oo maqaaxida fadhiyey iyo kuwo wadada marayey.

Waxaa goobta soo gaaray ciidanka amaanka ee DFS iyo gawaarida Gargaarka waxaana la xiray wadada uu qaraxu ka dhacay.

Faafinta Khasaaraha qaraxa dib baan idiinka soo sheegi doonaa inshalaah.

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online