Ra’iisul Wasaaraha DFS oo Dhagax Dhigay Dhismaha Waddada Liido

August 11, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee xeebta Liido ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay ka qayb galka dadaallada isku tashiga ah ee lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shacbka Soomaaliyeed iyo Dawladda Federaalka ah ay hor yaallaan qorsheyaal muhiim ah oo ku aaddan sidii dib loogu dhisi lahaa waddooyinka, kaabayaasha nolasha iyo goobaha taariikhiga ah ee dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku ammaanay Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixiyeen sidii dib loogu dhisi lahaa waddooyinka Caasimadda, isagoona tilmaamay in dhismaha wadada Liido ay leedahay ballaaran maadaama ay marin u tahay goobo dalxiis oo soo jiidanaya dalxiiseyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha kaalinta ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay dhismaha waddadaan oo noqonaysa middii 5-aad ee la hirgeliyo tan iyo bilowgii sannadkan 2018-ka.

Maamulka Gobalka Banaadir oo fulinaya barnaamijka xukuummadda ee dib usooo celinta kaabyaasha dhaqaalaha dalka iyo bilcda magaalada Muqdisho ayaa horay u dhisay wadooyin muhiim ah oo burbursanaa waqti dheer.

—–Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online