Sh Xassan Daahir Aweys oo ku eedeeyey dilkii Abdifitaax Maxamed Cali ururka Al-shabaab.[Daawo Video-ga]

August 9, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Shiikh. Xassan Daahir Aweys ayaa mar kale soo duubay Muuqaal qaylo dhaan ah oo uu uga hadlay dilkii Allaha u naxariistee loogu geystay magaalada Buuhoodle Abdifitaax Maxamed Cali isagoo sheegay in dilkaas ay ku tuhunsan yihiin Al-shabaab oo Sh Xassan Daahir xusay in ay marar badan dil ay u geysteen xubno muhiim ahaa oo ka tirsanaa Xisbul Islaam oo u ahaa kuwii ugu dhawaan Sh Xassan Daahir Aweys.

Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa ku cataabay mar kale in raggii ugu muhiimsanaa ee isaga ay isla shaqayn jireen inta badan ay dileen Al-shabaab isagoona tusaale u soo qaatay Ismail Cadow ,Sh Maxamed Tahlii , iyo Abdifitaax Maxamed Cali dilkooda uu ku saleeyey in u jeedka loo dilay uu ahaa in isaga lagu colaadinayey.

Shiikh. Xassan Daahir Aweys ayaa dilka Abdifitaax Maxamed Cali ku tilmaamay mid diinta Khilafsan waxaan uu sheegay in dilkiisa ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab, Sh Xassan Daahir Aweys ayaa Abdifitaax Maxamed Cali ku tilmaamay nin dhalinyaro ah oo aqli badan ahna dadka meel fog wax ka arka sidaas darteedna hogaanka Al-shabaabk ay arrinkaas ay ku colaadinayeen.

Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa kale oo uu ka sheekeeyey in hogaankii ururka Al-shabaab gaar ahaan Axmed Abdi Godene ay u sameeeyeen mu’aamaro ay doonayeen in ay ku dilaan AbdifitaaxMaxamed Cali xili uu ku sunaa degmada Baraawe iyagona ku eedeeyey in uu la xiriiray qof cadaw ah arrinkaas oo uu Sh. Xassan uu la qarnaqsaday xili ay doonayeen in arrinkaas ay ka dhaadhiciyaan balse Sh Xassan uu ku xujeeyey in ay keenaa cid uu la hadlayey balse ay keeneen oo kaliya qof kaligiis hadlaya.

Sh Xassan Daahir ayaa ururka Al-shabaab ku tilmaamay kuwo aan waxba u reebin shacabka Soomaaliyeed iyagoo xitaa diiday in qof walba wax uu diinta ugu gargaari karo wixii tabartiisa ah uu qabto sidda kii dacwo fidinkara , mid heshiisiin kara qabaa’ilka  Sheekh ayaa waxaa uu tusaale u soo qaatay labo sheekho oo ururka Al-shabaab ay u diideen in ay dacwada ama diinta dadka baraan waxaan uu ka magacaabay Sh Nuur Macalin oo ka mid ahaa culimadii ururka Al-shabaab iyo wadaad uu magaciisa ku sheegay Sharmaake oo jooga gobolada dhexe.

Hoos ka Daawo Muuqaalka Sh Xassan Daahir uga hadlay dilkii Abdiftax Maxamed Cali

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online