Yaa ka danbeeey? dilkii Maareeye ku xigeenkii Shirka Golis C/ laahi Cali Cumar.[Masawiro]

August 8, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Shabakada wararka Halgan.net oo xiriiro hoose oo kale duwan la samaysay ilo wareeedyo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay ilowareedyadaan ka xigatay cid ka danbaysay dilka allaha u naxaristee maareeye ku xigeenkii shirkada Golis C/ laahi Cali Cumar.

Ilo wareed ku sugan magaalada Boosaaso ayaa Halgan.net u sheegay in dilka Mareeye ku xigeenka shirkada Golis loo badinayo in ay ka danbeeyeen kooxda Daacish . Falka lagu dilay Maareeye ku xigeenkii shirakada Golis C/ laahi Cali Cumar ayaa waxaa ku soo beegantay iyadoo mudooyinkii dambe ay hogaamiyaasha kooxda Daacish ay la soo xiriirayeen Ganacsatada kale duwan ee ku nool Boosaaso , iyagoona wiidiisanaya lacago baad ah in ay bixi yaan haddii kalena ay dili doonaan.

Allaha u naxariistee maareeye ku xigeenkii shirkada C/ laahi Cali Cumar ayaa waxaa lagu yaqiinay Cibaado badan iyo in uu gacan siiyo cid walba oo dhibaataysan arrinkaas oo ay u wada qireen ducaada oo dhan, Ehelkiisa iyo qaraaba diisa.

C/ laahi Cali Cumar ayaa waxaa la dilay xalay Salaadii cishe ka dib waxaana lagu dilay dhabarka danbe ee Shirkada Golis, waxaana isla maanta lagu aasay meydkiisa magaalada Boosaaso waxaan ka soo qayb galay aaskiisa dadweyne aad u fara badan.

Aaska C/laahi Cali Cumar ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka Gobolka Bari iyagoo xitaa ku dhici waayey in ay eedeeyaan ama ka hadlaan cid ka danbaysay falkaas waxshnimada ah ee lagu dilay mid ka mid ah Haldoorkii Gobolka Bari.

Sh. Daahir Aw-cabdi oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliyeed ugu waaweyn oo ka hadlay aaska ayaa waxaa uu habaarey cidii ka danbaysay dilka C/ laahi Cali Cumar oo ahaa Maarey ku xigeenkii shirkada Golis isagoona Sheekha alle ka baryey in dadka falka dilka geystay iyo kuwa soo abaabulayba in Alle umada tusa ciqaab deg deg ahna alle ku rido.

Aaska C/ laahi Cali Cumar ayaa maanta waxaa uu reer Boosaaso dib u xasuusteen dhacdadii ay Al-shabaab ku dileen magaalada Boosaaso Sh dr Axmed Xaaji Abdirahmaan oo ka mid ahaa culimada ugu waaweyn dalka Soomaaliya oo ay dadweynaha reer Boosaaso aaskiisa sidaan oo kale ay uga soo qayb galeen. 

 M_M_Deeq
Halgan.net

Boosaaso

 

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online