Dalada isku xirka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo dowro qabtay[Masawiro]

September 1, 2018 - Written by Editor
Kharduum: Dalada Isku xirka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudaan ayaa galabnimadii jimcaha oo taariikhdu Ku beegnayd 31/8/2018 waxa ay xarunteeda  ku qabtay xaflad lagu soo afmeerayay dowro diini ah oo ay u qabtay ardayda soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sudaan , gaar ahaan caasimadda Kharduum.
 
Dowradaan ay qabatay Dalada Isku xirka ardayda soomaaliyeed ee dalka Sudaan oo socotay laba isbuuc , laguna qaadanayay kutub isugu jirta fiqiga shaaficiga, caqiido, iyo akhlaaqda wanaagsan , ayaa waxa ka faa’iidaystay arday isugu jira wiilal iyo gabdho.
 
Xafladda lagu soo afmeerayay dowrada oo ahayd Mid balaaran isla markaana ay ka soo qayb galeen aqoon yahan badan oo ku nool dalka Sudaan ayaa waxa abaal marino lagu gudoonsiiyay ardaydii dhamaysatay dowrada.
 
Ugu horayn waxa xaflada lagu furfuray aayado quraan ah, intaas ka dib waxa xigay kalmado ay madasha ka soo jeediyeen qayb  ka mid ah culimadii iyo  aqooyahankii Marti sharafka ahaa ee kasoo qayb galay xaflada .
 
Ugu dambayn waxa madasha soo xiray gudoomiyaha Dalada isku xirka ardayda soomaaliyeed ee dalka Sudaan Sheekh mawliid Cumar Jaamac , waxaa uuna ugu horayn u mahad celiyay culimadii dowrada diiniga ah bixinaysay .
 
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dar-daarmay ardaydii dowrada qaadatay inay ku dhaqmaan waxay barteen, saaxiibadooda kalena u sii gudbiyaan.
 
Gabagabadii xaflada waxa ay Dalada isku xirkà ardayda soomaaliyeed ee dalka Sudaan abaal marin gudoonsiiyay culimadii dowrada bixinaysay. Sidoo kalena waxaa madasha lagu gudoon siiyay abaal marino kala duwan dhamaan ardaydii dhamaysatay dowrada.

 
Halgan.net
Sudan

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online