Isbuuca Dacawiga 5-aad & Xifdinta 200 Xadiis iyo Xarunta Marwa ee Muqdisho. (Masawiro)

September 15, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Xarunta Marwa ee Hormarinta Dumarku waxey qabatey xaflad weyn aadna loo soo agaasimey oo ku saabsaneyd Isbuuca Dacawiga 5-aad & Xifdinta 200 Xadiis oo loo qabtey Ardeydii ka qeyb gashey , waxeyna ka dhacdey Hoolka Shirarka Hotel Arman ee Magaalada Muqdisho. Xafladda oo aheyd mid si aad u heer sareysa loo soo agaasimey, waxaa kasoo qeyb galey marti sharaf kala duwan oo qeybaha bulshada ah, bahda Waxbarashaduna ugu horeeyaan.

Soo dhaweyn
Furitaanka munaasabada Xaflada ee loo qabtey Ardeydii dhameysatey Isbuuca Dacawiga 5-aad & Xifdinta 200 Xadiis, waxaa kalmad isugu jirta soo dhaweyn & warbixin kooban oo ku saabsaneyd Siminaarka goobta ka jeediyey Ustaad C/wali Xasan C/lla oo ah agaasimaha Guud ee Xarunta.

Ustaad C/wali wuxuu ka warbixiyey in Siminaarka Dacawiga uu ka koobnaa labo qeybood oo kala ahaa; Duruus & Muxaadarooyin ardeydu qaadanayeen intii uu socdey & 200 Xadiis oo la xafidayo ka dibna Tartan & Imtixaan lagu galayey.

Kalmadaha Ardeyda
Qaar ka mida Ardeydii ka qeyb galey Isbuuca Dacawiga 5-aad & Xifdinta 200 Xadiis ayaa iyana goobta ka jeediyey Kalmado ku kala baxey luqada Carabiga & Soomaaliga kuna saabsanaa; soo dhaweyn, Warbixinno & mahadcelin loo jeedinayo cid walba oo qeyb ka aheyd tabantaabinta Siminaarka Dacawiga ah. Ardeydu waxey sheegeen Xarunta Marwa iney tahey Il u burqatey ooy ka faa’iideen cilmi badan, kuna soo bandhigeen oo ku muujiyeen Awoodahooda ah in muddo kooban 200 oo Xadiis ku xafideen.

Bandhig
Intaa ka dib waxaa goobta ka dhacey bandhig ay sameeyeen qaar ka mida Ardeydii Siminaarka dhameystey, waxeyna soo bandhigeen cilmigii ay ka faa’iideen oo ahaa Xifdinta 200 oo Xadiis.

Kalmadaha Marti Sharafta
Marti sharaftii kala duwaneyd ee Xafladda Isbuuca Dacawiga 5-aad & Xifdinta 200 Xadiis kasoo qeyb gashey ayaa sidoo kale goobta ka jeediyey kelmado ku saabsan, bogaadin loo jeediyey Maamulka & howlwadeenada Xarunta, gubaabin ay u jeediyeen Ardeydii dhameysatey Siminaarka & Mahadcelin ay u jeediyeen cid walba oo qeyb ka geysatey fuulinta howshan Dacawiga ah.

Abaalmarino
Gebagebadii Xaflada waxaa goobta Abaalmarino qaaliya lagu gudoonsiiyey Ardeydii Kaalimaha 1-aad, 2-aad & 3-aad ilaa iyo kaalinta 18-aad, ka galey tartanka Xifdinta & Imtixaanka 200 oo Xadiis.

Kaalinta 1-aad: waxaa gashey Caaisha Yuusuf Cabdi amiin, lana gudoonsiiyey 15Garaam dahab, dhar, kutub &shahaado
Kaalinta 2-aad: waxaa gashey Laylo Cabdulqaadir Cumar, lana gudoonsiiyey
Computer laptop, dhar, kutub, & shahaado.
Kaalinta 3-aad: waxaa gashey Khadiijo xasan Maxamed sh.nuur, lana gudoonsiiyey Mobile Samsung, kutub, dhar, & shahaado.

Xarunta Marwa oo ah xarun u gaara Dumarka waxaa Magaalada Muqdisho laga furey shacbaan 1435H, kuna began June 2014 wuxuuna hoostagaa Daladda Macaahida Sharciga ee soomaaliya
Waxaana dadaal dheeri ah marwalba ku bixiya oo garab taagan xarunta Hey’ad Horumarinta Bulshada.

Xarunta marwa waxeyna ka koobantahey 4 Qeybood oo kala ah;
1- Qeybta Culuumta Shareecada.
2- Qeybta Xifdinta Quraanka.
3- Qeybta Farsamada Gacanta.
4- Qeybta Horumarinta Qoyska.

Intii xaruntu shaqeyneysay waxaa ka aflaxey boqolaal Ardey ah oo qaarkood xilligan dib u furey xarumo cusub, qeybna ka ah horumarinta bulshada gaar ahaa Dumarka ee Magaalada Muqdisho.

Dhammaan adeegyada waxbarasho ee xaruntu bixiso waa bilaash, looguna tala galey in Dumarka Soomaaliyeed lagu horumariyo dhan walba, dibna uga noqoto dhigaal danbe ooy intifaacsadaan, Bulshadana uga faa’iideeyaan.

Xarunta Marwa ee Muqdisho.
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online