Jowhar oo laga bilaabay Tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka[Masawiro]

September 1, 2018 - Written by Editor

Jowhar:-Waxaa magaalada Jowhar ee Casimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ka furmay tababarka tababara yaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo ay wada qabanayaan Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Federaalka ee Hirshabeelle.

Ugu horeeyn waxaa tababarka furay Wasiirka Arimaha Dastuurka ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan wuxuuna uga mahadceliyay wafdiga Wasaaradda Dastuurka ee XFS sida ay ugu soo diyaargarooween in Hirshabeelle lagu qabto tababarakan, sidoo kale Wasiirka wuxuu si qoto dheer uga hadlay wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xamse Cabdi oo kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa sheegay in tababarka maanta ay qaadan doonaan Bulshada Rayidka Hirshabeelle kadibna ay qaadan doonaan xubno ka socda hay’adaha dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ugu dambayn, xubno ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar uga bilaabmay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online