Madaxda Dawladdaha Xubnaha Ka ah DFS oo kulan La qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya[Masawiro]

September 5, 2018 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 03 Sup 2018 shir guddoomiyey kulan ay Madaxweynayaasha Maamulada Soomaaliya la qaateen wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michael Keating.

Kulanka oo ka qabsoomay guriga martida ee Kismaayo aayaa loogu gogol xaadhayey shirka Madasha wadatashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya oo maalinimada berito ka furmaya Kismaayo, shirkaas oo Ammbassador Michael Keating lagu sharfay inuu maalinimada berito khudbad ka jeediyo , madaama muddo xiliyeedkii uu ka dhammaandoono dhawaan.

Kulankan maanta ay wada qaateen Madaxwenayaasha iyo Michael Keating ayaaa waxaa looga wadahadlay doorka qaramada midoobey ay ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan Maamulada Soomaaliya, wanaajinta wadda shaqaynta iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Shirka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa maalinimada berito ka furmidoona magaalada Kismaayo, gaar ahaan guriga martida, waxaana ka qaybgelidoona Madaxweynaha Dowladda Puntlnad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo dhammaan Madaxweynayaasha maalmul goboleedyada.

Madaxweynaha dawladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku hawlan sidii guul waarta looga gaadhilahaa xal u helidda wadashaqaynta, nabadaynta iyo taabegelinta federalisamka ee ka dhaxaysa Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online