Madaxweynaha DFS oo booqday Masjidkii iyo Dugsigii Qu,aanka ay Shabaab Qarxiyeen (Masawiro)

September 6, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib Madashii Shiinaha iyo Afrika ee uu kaga qayb galay Beijing iyo kulankii saddex geesoodka ahaa ee uu Asmara kula yeeshay Hoggaamiyeyaasha dalalka Ereteriya iyo Itoobiya.

 

Madaxweynaha ayaa isla markii uu soo gaaray Muqdisho waxa uu tagay Masjidkii iyo Dugsi Quraankii iyo xaruntii Degmada Hawlwadaag ee kooxda argagixisada Alshabaab ay qaraxa la beegsadeen, maalinnimadii Axadda ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay qaar ka mid ah ehellada carruurtii dhiganaysey Dugsi Quraanka ee ku geeriyooday qaraxan, isagoona ku bogaadiyey bulshada degmada Hawlwadaag garab istaagga iyo taakuleynta ay u muujiyeen ardaydii ku dhaawacantay goobtaas.

“In la qarxiyo Masjidkaas ay dadka Islaamka ah ku tukanayeen iyo Dugsi Quraankan ay wax ka baranayeen caruurtii ay qaarkood ku naf waayeen qaraxaas, waxa ay muujinaysaa in ujeedka dhagar-qabayaasha Alshabaab uu yahay gumaadka qofka kasta oo Soomaali ah, carruur iyo cirrooleba.”

Madaxweynaha ayaa bulshada Hawlwadaag iyo guud ahaan degmooyinka Caasimadda ugu baaqay in ay si deg deg ah uga qayb qaataan Barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo goobaha bulsho ee ku burburiay weerarkan ay soo maleegeen kooxdan arxan-laawayaasha ah.

==DHAMMAAD–

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online