Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Garoowe Lagu Soo Dhaweeyay.

September 29, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 Sep 2018 ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo isbuucyadii ugu danbeeyay safaro shaqo ku marayey Gobolada Karkaar, Sanaag iyo Barri oo saaka kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri oo uu isbuucii ugu danbeeyay ku sugnaa ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey qaar kamaida Goloha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Dowladda Puntland maamulka Degmada Garoowe iyo kan Goblka Nugaal, qaarkamida goloyaasha dowladda Putland, Saraakiisha ciidanka, ganacsato iyo dad wayne aad u farabadan oo lulayey calanka Dowladda Puntalnd.

Dhinaca kale madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka warbixiyey intii uu ku sugnaa gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Badhan ayaa waxaa uu sheegay in uu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida cuqaasha , dhalinyarada, ardayda, sidoo kale madaxweynuha ayaa xariga ka jaray mashaariico horumarineed ee ay Dowladdu halkaas ka fulisay gobolkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo safarkiisa kusoo gabo gabeeyay gobolka Barri gaar ahaan magaaada Boosaaso ayaa waxaa uu kulamo kula qaatay maamulka gobolka, kan degmada iyo guddiyada amniga gobolka oo uu kala hadlay xaalada amniga gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka iyo kan degmadaba oo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Mahad ilaah baa iska leh inaan maanta ku soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe anoo safar qaatay in kabadan 10 berri ku soo qaatay gobolada Kar-kaar, Sanaag iyo Bari, safarkaasi wuxuu ahaa safar aan ugu kuur galayay xaaladaha goboladaas dhan amni ,dhan dhaqaale iyo dhan hormarineed intaba, waxaanu maalin joognay magaaladda Qardho oo aanu u kuur galnay mashaariic ka socotay oo uu kamid ahaa isbitaalka Qardho, ka bacdina waxaan safar ku aadnay gobolka Sanaag oo aanu sii marnay Tuulooyin badan oo gobolka katirsan iyo ugu danbayntii magaaladda Baran oo aanu ka daahfurnay Jaamacadda Maakhir iyo mashaariic kale, waxaan soo aragnay dad reer Puntland ah oo aan quluubtoodu meelkale jirin guul buuna safarkaasi noogu soodhamaaday.” Ayuu yiri Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbeyn Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay u tageen magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari si ay ugu kuur galaan xaaladda guud ee gobolka iyo in maadaama gobolku yahay halbawlihii dhaqaalaha Dowladda Puntland in xaaladdiisa lala socdo.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAN

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online