Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

September 11, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay qabteen intii ay socdeen kalfadhiyadii hore, isagoona ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan dadaalladaas, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla.

“Dalkeennu wuxuu ku jiraa geeddi-socod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho. Qof kasta oo inaga mid ahna mas’uuliyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay tahay in dhammaan laga soo wada dhalaalo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka dib u habaynta garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, dib u eegista dastuurka, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajinta nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu xirmato hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

“Dhammaan shuruudihii muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballan-qaaday taageero miisaaniyadeed oo gaareysa $120 milyan.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhacay magaaladda Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka.

Mdaxweynaha ayaa la wadaagay Mudaneyaasha Golaha Shacabka dowrka Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinayso dhiiri galinta isdhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaada Geeska Afrika.

“Waxaa guul inoo ah in aanu bilihii na soo dhaafay dadaal ku bixinnay sidii loo dhammeyn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay waddamada Gobolka, taas oo mira-dhalkeedu noqday in dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Eritereeya ay isfaham ka garaan xurguftii ka dhaxeysay. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham darrada dalalka gobolka, waxaan u gudbeynaa marxalad iskaashi iyo wax wada qabsi.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis.

“Ummad walba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaartaa markay isku tashato, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu hirgelinayo Barnaamijka isxilqaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisidda dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online