Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo RW Itoobiya oo ku kulmaya Asmara

September 5, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hor-kacaya dadaallo lagu xoojinayo qodobbadii ka soo baxay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, isaga oo ka shaqaynaya heshiis u dhexeeya dalalka Geeska Afrika oo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo, Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha Sebteembar 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona, qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna u wada nool.

Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.

Soomaaliya waxa ay Beijing ku saxiixday Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) oo fududeenaya isku xirnaanta iyo horumarka dhaqaale ee waddamada qaybta ka ah.

Himilada Soomaaliya ee ah in ay hormuud u noqoto qorshaha lagu abuurayo isbahaysi ganacsi oo dhexmara waddamada Geeska ayaa horseedaya xasillooni iyo horumar dhaqaale oo ka dhaca waddamada Geeska Afrika.

Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa 4tii Sebtembar lagu soo gabagabeeyay magaalada Beijing, waxaana dowladda Shiinaha ay ku bixineysaa 3da sano ee soo socoto 60 bilyan oo Doollar oo isugu jirta lacago lagu hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Qaaradda, deeqo iyo daymo, waxaana lagama maarmaan ah in dalalka Gobolka ay u diyaar garoobaan ka faa’iideysiga mashaariicda Shiinaha.

———DHAMMAAD——

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online