Aqalka sare oo muddo 3 cisho u qabtay madaxada DFS arrinta wada xaajoodka Maamul goboleedyada (Akhriso)

October 20, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Kulan ay maanta yeesheen guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa looga dalbaday Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xukuumadda Raisulwasaare Khayre in mudo 3 maalmood ah in kaga soo jawaabaan in ay diyaar u yihiin arrinta wada xaajoodka Maamul goboleedyada.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Madaxweynaha DFS iyo xukuumada loo qabtay laga bilaabo maanta 20 bishan ilaa 22 Bishaan in uu uu bixiyo Jawaab ku aadan Cabashadda maamul goboleedyadda ee loo gudbiyay si loo soo afjaro khilaafka ka dhex aloosan DFS iyo Madaxada Maamulgobaleedyada.

Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in DFS ay la daahday mudadii jawaabta laga sugayey wuxuuna sidoo kale cadeeyey im Madaxweynayaasha Maamulgobaleedyada ay dhowr ka codsadeen in ay dib u dhigaan shirkooda ayna aqbaleen balse dowlada dhexe aysan wax jawaaba ka bixin .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online