DFS oo loogu baaqey in ay soo fara geliso Dagaal Beeleedka ka socda Gobolka Sool.[Video]

October 23, 2018 - Written by Editor

Laascaanood:-Gudiga Dhexdhexaadinta Beelaha walaalaha ah ee dagaalku ka dhex maray ee Koonfurta gobolka Sool oo la hadley Warbaahinta galabta ayaa si cadho leh ula hadley Xukuumada S/land eedaymana u jeediyey in aaney daacad ka ahayn soo afrajida Shaqaaqadan , Waxaana ay ku eedeeeyn in ay iyadu masuul ka tahey dagaalkii maanta ka dhacey Deegaanka Dhumey kaas oo uu ka dhacey dagaal socdey in ka badan 12 Saacadood .

Waxaana ay sheegeen in ciidamadii S/land ee lagu ogaa in ay kala ilaaliyaan ciiidmada 2-da beelood masuuliyadeedana qaadey ayaa isaga kala dhex baxey galabnimadii shaley , Subaxnimadii hore ee saakana dagaalkii halkaasi ka bilowdey ayna ku nafwaayeen dad badan , dhaawacyo badan sidoo kale uu ka dhashey , isla markaana la gubey magaalada Dhumey .

Gudigan ayaa waxay baaq u direen Dawlada Federaalka ee Somalia oo uu hogaaminayo madaxwayne Farmnaajo iyo Ra’iiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ., Waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen Maamulada kale ee Somalia sida Puntland in ay hawshaa daminteeda ka qayb qaataan .

Ugu danbayntii , Gudigan ayaa si cadho leh u sheegay in wax badan khaldan yihiin .Dhaawacyo badan oo saacadihi ugu danbeeyey la soo gaadhsiiyey Cusbitaalada Laascaanood ayaa Waxaa la xaqiijiyey dhimashada dad ka badan 20 qof dhaawacyo intaa ka badana la keenay Cusbitaaladka guud ee magalada iyo Cusbitaalka Gargaar .

Ugu danbayntii , Waxay gudiga dhexdhexaadintu ugu baaqeen in ay Dawlada Federaalka Somalia ay si dhaqso leh u soo fara geliyaan si colaadaan loo soo afjaro.

Hoos ka Daawo Warbixintii ugu danbeysay ee Beelaha Ku Dagaalamay Deegaanka Dhumay Ee Koonfurta Gobolka Sool.

Mowliid Ismail Diged
Laascaanood, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online