Golaha Wasiirrada JFS Oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2019 (Masawiro)

October 29, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019 oo dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar).

Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda sanadka 2019 oo ka badan Miisaaniyaddii sannadka dhammaadka ah ee 2018 oo ahayd 274.6 Milyan.

Wasiirka ayaa sheegay in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

“Waxa aan ku faraxsanahay in golaha wasiirradu ay ansixiyaan miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019. Miisaaniyaddennu waxa ay gaartay $340 Milyan. Horumarkani waa natiijadii ka dhalatay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xukuumadda ayaa miisaaniyadda ay maanta ansixisay u gudbinaysaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya si uu u meel mariyo.

–DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
« Sep   Nov »
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online